Kismaayo[RBC Radio]Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee saldhigiisu yahay magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”ayaa maantey diyaaradi uqadey degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubadda Hoose.
Axmed Madoobe iyo xubno katirsan maamulka Jubbaland ayaa garoonka diyaarada ee magaaladda Kismaayo ka dhoofey is ay ugaaran Afmadow.
Madaxweynaha ayaan wax war ah siin warbaahinta xiligii uu ka anbabaxayey Kismaayo balse waxaa la caddeyey inuu halkaasi ugaari doono si uu wax uga ogaado xaaladda ka jirta kadib markii dhawaan uu halkaasi dagaal ku dhex marey ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo al-Shabaab.
Sidoo kale xubin katirsan waftiga madaxweynaha ayaa Raxanreeb.com u xaqiijiyey in madaxweyne Axmed Madoobe uu mishaarodkoodi ugen doono ciidamada Jubbaland ee kusugan Afmadow.
…’”"Madaxweynaha socdaalkiisa uu ku tagayo maantey degmada Afmadow waxaa ugu weyn bal siduu wax uga soo ogan laha xaaladda ka jirta halka,madaxweynaha waxaa kalo uu ciidamada Jubbaland siin doona misharkoodi bilaha ahaa…”"”ayuu noo sheegey xubin ka mid ah waftiga madaxweynaha ee maantey u kucitimay Afmadow.
Sidoo kale warar hoose oo an ka heleyno guddahada degmada Afmadow ayaa soo sheegaya in ciidamada halkaa jooga loo samen doono taliyaal cusub oo hogaamiya ka dib marki dagaalo halkaa ka dhacay ay ku dhinteen labadii sargaal ee ciidamada hogaaminayey,sida waxaa inoo sheegey sargal ka mid ah ciidamada Afmadow jooga.
…”"”Madaxweynaha hadduu maantey yimaado Afmadow waxaa lamagacaabi doono sarakiil cusub oo hagaamisa ciidanka,taasna waxay ka danbeysey kadib markii labo sargaal oo ciidan hogaaminayeey ay ku dhin teen dagaal halkaa ka dhacay…”“ayuu yiri sargaal lahadley Raxanreeb.com.
Dhawaan ayey ahyeed markii dagaalo xoogan ay ka dhaceen guddaha iyo daafaha degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose inkasto guulo ay gaaren ciidamada howanta ah ee halkaa kusugan,
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo