DFS deeqihii Soomaaliya loogu talagalay Xamar bay ku shubeen
Xusseen Moxamed (Xuubsireed)
spokesman.hussein@gmail.com
Agoosto 09 2013
Deeqihii iyo Mucaawinooyinkii lagu hormarinayay Soomaaliya Dowlada Federaalka ah Xamar ayay ku shubtay, maadaama dalku federaalyahay aaway qaybtii Puntland. Hay’ada aan masuulka ka ahay ee Daryeelka Bulshada Puntland wax xiriir ah iyo wax wada shaqayn ah lama lahan Magaalada Muqdisho, wixii ay xaqa u lahaayeena kama helaan Dowlada Federaalka.
Waxaa jira dad aad u farabadan oo kasoo barakacay dagaalada sokeeye ee koonfurta Soomaaliya ka jiray, dadkaasoo aad u farabadan waxay ku nool yihiin xeryo qaxooti oo lagu quudiyo, waxaa jira oo kale dad aad u farabadan oo u dhashay Gobolada Puntland oo abaaro iyo dhibaatooyin farabadan ay ku haystaan gudaha degaanada Puntland, kuwaasoo isugu jira naafo, agoomo, iyo dad aad u farabadan oo u baahan gargaar bini’aadaminimo.
Dowlad Fedraalka ah oo Muqdisho katalisaa habayaraatee ma ahan mid matasha umada Soomaaliyeed. uma lug xirnaanayno Dowlada dhexe ee Muqdisho fadhigeedu yahay, waxaana ku khasbanahay in aayaha iyo danaha Bulshada Puntland aynaan cidina marti ugu noqon.
Dowladaha deeqaha bixiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka firsadaan mucaawinooyinka ay soomaaliya siiyaan iyo meesha ay marto. Shacabka Puntland iyo siyaasiyiintoodaba waa inay isku mowqif ka noqdaan meelna uga soo wada jeestaan Dowlada Federaalka ah siyaasadeeda ku aadan la dagaalanka shacabka reer Puntland.
Agaasimaha Guud ee Hay’ada Bulshada Puntland
Hussein Mohamed (Xuubsireed)
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM