Qardho[RBC Radio] Waxaa maanta si weyn loogu ciiday Magalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Munaasabadda Ciidul Fitriga,
Waxaana maanta shacabweynaha magalada Qardho ay salaadda Ciidda ku soo dukadeen Masalaha duleedka koonfureed ee magalada Qardho,waxaana ka soo qeybgalay Tukashada Sallaada Ciida Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid CIise Hogamo,Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/qur’aan Maxamed Aadan,Madaxweynhihii Hore Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi,Sii haayaha Xilka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo dadweyne kale oo aad u badan.
Inta aan la Tukan salaada ka hor khudbado ay soo jeediyeen Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay Tahniyadda Ciida u direen Dhammaan umaada somaliyeed gaar ahaan Reer Puntland waxa ayna sanadkaan sandkiisa u rajeeyeen in ay ku gaaraan Nabad, Guul,Bashbash,Barwaaqo.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa ka hadalay dhanka amniga waxa ayna sheegeen in ay ka xunyihiin gawaaridii Raashiinka sida ee dhawaan lagu gubay duleedka magalada Bosaso,waxa ayna sheegeen in dhaqankaan yahay mid ku cusub deegaanada Puntland.
Jawiga Guud ee Magalada Qardho ayaa maanta waxaa si weyn looga dareemay Munaasabdda Ciida ,waxaana goobaha ay dadku isugu yimaadaan laga dareemayey farxadda munaasabadda Ciida oo maanta dadka si weyn ay isugu soo baxeen wadooyinka magalada Qardho.
Dadweunaha ku dhaqan magalada Qardho ayaa maanta diray Tahniyadda Ciidda waxa ayna Alla ka rajeeyeen in Sanadkaan sanadkiisa nabad iyo Barwaaqo ku gaarsiiyo.
_____________________
RBC Radio