Reer Puntland-yoow Musharax DHEEL meel ku sii qorta!
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Agoosto 09 2013
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Waxaan maalmihii ugu dambeeyay isha ku hayay musharixiinta isu soo taagtay illaa iyo hadda talada madaxtinimada Puntland ee bilowga sanadka soo socda haddii Alle idmo la rajeynayo in ay ka qabsoonto Puntland.
Musharixiintan oo isugu jira kuwo hore siyaasadda u soo maray & kuwo ku cusub ayaan ka dhex baaray shakhsi aan is leeyahay wuu ku habboonaan lahaa in talada Puntland markan looga dambeeyo. Waxay indhaheygu qabteen mid ka mid ah musharixiintan oo dhinac markaad ka eegto nagu cusub dhinaca kale markaad ka eegtona aan nagu cusbeyn qiimo weynna noogu fadhiya.
Waa Maxed C/qaadir Dheel oo dadku marka ay magacan maqlaan durba garan kara qofka uu yahay iyo halka uu kasoo jeedo. Ina Dheel waa siyaasi u dhashay Puntland kana soo jeeda qoys ab-ka-ab maamulka kusoo jiray, dadka waxay garan karaan aabaha dhalay Max’ed oo ahaa AUN C/qaadir Dheel Cabdille Islaan kaas oo taariikhda Soomaalida baal dahab ah kasoo galay. Wuxuu sidoo kale ka soo jeedaa qoys isimo ah oo gudaha Puntland magac & maamuus ku leh. Guji halkan haddii aad tahay qof aan hore u maqal taariikhda AUN C/qaadir Dheel Cabdille, si aad wax uga ogaato.
Haddaba maxaan ugu maleeyay in Max’ed C/qaadir Dheel uu u muuqdo shakhsiga ugu habboon in uu qabro talada Puntland ee xilliga soo socda? Dhowr arrimood ayaan u sababeynayaa.
Waa marka hore’e, Max’ed C/qaadir waa aqoon yahan & siyaasi waqti badan ku noolaa waddamo kamid ah yurub, doonayana in uu dadkiisa wax u qabto ugana faa’ideeyo. Waa muwaadin Puntland-nimadu ku weyn tahay, intii uu qurbaha joogay wuxuu kamid ahaa dadka aadka ugu ololeyn jiray wanaagga & horumarka Puntland. Kama mid aha siyaasiyiinta xurgufta & loolanka siyaasadeed ka dhaxeyso ee ku nool gudaha ama dibedda Soomaaliya. Sidoo kale weligii kama qeyb qaadan dhibaatada ummadda soomaaliyeed loo geystay Af ama Addin.
Waa shakhsi ka caaggan xumaanta dadkana u wada dhaxeeya, waa shakhsi dalka & dadkaba qaddarin gooni ah ku leh, dadkuna usoo istaagayaan marka ay maqlaan. Waa muwaadin Soomaali ah oo dhab ah oo aan dalka & dadka dambi ka gelin doonayana in Puntland uu ku hago aragti dheer, cod cusub hoggaan caddaalad ah. Waa hoggaamiye doonaya in Puntland ka dhigo maamul mideysan (sidii loogu talo galay, loona aasaasay) hal hadaf & ujeeddo-na leh.
Max’ed C/qaadir Dheel waxa uu ku taagan yahay jidkii ay jeexeen waalidiintii uu ka soo farcamay. Waxaan isleeyahay waxaa uu doonayaa in taariikhdii wanaagsaneyd ee ay aabihii & awowyaashii ka tageen halkaa ka sii wado oo aysan tirtirmin. Waxaa uu doonayaa in uu Puntland kusoo cesho waddadii saxda aheyd taasoo ah in dadka Puntland ay mustaqbalka si xor & cadaalad ah u doortaan shakhsigii ay doonaan, oo qaabka hadda wax lagu doorto ka gudbiyo.
Wuxuu doonayaa in uu qiimeeyo sharafta Isimada Puntland oo uu aaminsan yahay in ay ahaayeen Alle kasokoow kuwii badbaadiyay Puntland, sidaa darteedna ay XAQ tahay in talada waddanka iyaga looga dambeeyo mar walba & meel walba, sida uu dhaqankeenna soojireenka ah ee wanaagsan uu weligii ahaa, ee aan lagu soo ordin oo keliya marka xaal uu murgo maadaama aan talada looga maarmi karin mar walba.
Haddaba aniga oo aad u jecel wanaagga & horumarka Puntland, waqti bandanna ku howlanaa ilaalinta & nabad-gelyada Puntland waxaan ka codsan lahaa isimada Puntland in markan xoogga saaraan sidii ay masiirka ummadda ugu aamini lahaayeen shakhsi sida Maxed C/qaadir Dheel oo kale ah, kaas oo leh meel loogu hagaago, garanna kara waxa isimada & shacabka sharafta leh ee Puntland ay doonayaan.
Ugu dambeyn haddii aad tahay, muwaadin ka fakaraya horumarka Puntland booqo bogga cusub ee Facebook uu ku leeyahay musharax Maxed C/qaadir Dheel, adigoo gujinaya link-ga hoose, taageeradaadana ku muuji,
https://www.facebook.com/pages/Mohamed-Abdulkadir-Dheel/217966965026147
Ciid Mubaarak
Wabillaahi Towfiiq
Farah Warsame
Melbourne, Australia
Bile1971@hotmail.com
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM