Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Faroole”Doorashadda madaxtinimo ee Puntland waxay dhaceysa bisha janaayo ee sanadka 2014ka,waana soo dhawenaya cidii isu soo tagta”[Sawirro]

$
0
0

2

Garoowe[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdirixmaan Shiekh Maxamed Maxamuud “Faroole”oo maantey kumanaankun oo ruux kula hadlayey guddaha garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe caasumada Puntland ayaa khudbad uu u jeedinayey waxaa uu kaga hadley arrimo dhor ah oo ay ka midyihiin halkii ay ku danbeeyen hanaankii lugu doonayey furashada xisbiyadda,doorashada la filayo inay Puntland ka qabsoonto iyo xaaladda ka jira Puntland iyo Soomaaliya.

 
Madaxweyne Cabdirixmaan ayaa ugu horen shacabka Puntland Soomaalida iyo dhamaanba muslinka ugu hanbalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga,waxana uu sheegey madaxweynuhu in dhamaanba umadda muslinka ah maalintas ay utahay maalin kuweyn xagoodda.
…”"‘Waxaan ugu hanbalyeenayna umadda muslinka ah gaar ahaan kuwo reer Puntland,maalinta weyne ee Ciidul Fidriga taaso ah maalin ay muslimiintu xusan,illahay maalintan maalinteda horumar iyo baraare ha idin ku garsiyo ayan leeyahay…”"”ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Madaxweyne Faroole

Madaxweyne Faroole

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale khudbadiisa kusoo qadey doorasho lugu wado Puntland inay ka dhacdo horaanta bisha janaayo ee sanadka 2014ka,taaso lugu soo doranayo ciida qaban toonta taladda Puntland.

 
Dr.Faroole waxaa uu si cadd u sheegey in doorashadda madaxtinimo ee Puntland ay dhici doonto horaanta bisha janaayo ee sanadka ina soo aadan ee 2014ka,waxaa kalo uu hadalkiisa kusoo qadey inuu si weyn usoo dhaweenayo cid kasta oo ku dhiirata inay qabato masiirka iyo taladda umadda reer Puntland.

…”"”Puntland waxay doorashadeeda dhicii donta sida lugu wado horaanta bisha janaayo ee sanadka ina soo aadan ee 2014ka,waxaan soo dhaweenaya inugu cidkasta oo isusoo tagta inay noqoto madaxweynaha Puntland…”"‘ayuu yiri madaxweyne Cabdirixmaan.

 
Madaxweynuu waxaa kalo uu ku faah faahiyey khudbadiisa sabaabihii hakiyey doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee lugu wadey inay Puntland ka qabsooman,waxaana uu arrintaasi ku tilmaamey in doorashooyinka la joojiyey kadib markii ay soo shaac baxeen sida uu sheegey dad doonaya inay arqaladeeyan jiritaanka Puntland iyo nabadeedda.

 
…”"Sidaan lawada socono doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee anu hakad galiney waxaa ka danbeeysey kadib markii kooxo ay isku dayeen inay wax uu dhimaan jiri taanka iyo ammaanka Puntland,taasna waxan ka door bidney anagoo ka fikirena mustaqbalka danbe ee Puntland inan gabi ahaanba go’aan ka garno ana joojinana…”"”ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdirixmaan waxaa uu sidoo kale hadalkiisan ku caddeyey inaysan marnaba Puntland ka hari doonin dhabihii ay ku doonaysey in hanaanka xisbiyadda badani uu ka hir galo Puntland,waxana uu sheegey in jiidkaasi ay sii qadi doonto xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono bilowga sanadka fooda inugu soo haya.

 

…’”"Puntland marnaba kama hari doonto dhabihii ay horey uqaadey ee ay ku dooneysey inay ku garto in Puntland ay ka dhacdo doorasho ay shacabku dhiibtaan,taas waxaa si amba qaadi doonta xukuumada la soo dhisi doono ee habka qabaa’ilka ku iman doonta…”"”ayuu yiri madaxweyne Faroole.

 
Madaxweynah waxaa kalo uu ka hadley xiriirka sii xumaadey ee xiligaan ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda faderaalka waxan uu sheegeey in xumaatada ay ka timid kadib markii fara galin muldaxan lugu sameeyey dastuurkii la isla sameeste.

 
Madaxweyne Cabdirixmaan waxaa kalo uu gaba gabadii ka hadley habka xiligaan ay uga qeyb gali karto shir lugu wado inuu ka dhaco magaaladda Brussells ee dalka Biljimka kasoo looga hadlayo dibu dhiska iyo horumarinta dalka,waxana uu sheegey in haddii Puntland magaceeda aysan uga qeyb galin in gabi ahaanba an lugu dhex arki doonin shirkaasi.

 
…”‘”Madaxdda caalamka waxan ku wargalineyna in shirka luguwado in looga hadlo dibu dhiska dalka ee ka dhacaya Brussells ay Puntland uga qeyb gali doonto magaceeda,balse haddii ra’yigeeda ay marti kanaqoneysa inaysan ka qeyb gali doonin gabi ahaantisba…”"”ayuu ku sheegey hadalkiisa madaxweynuhu.

 
Hadalkaan madaxweyne Faroole ee shirka Brussells waxaa uu ku soo aadaya iyadoo horey maamulka Soomaaliland ay u sheegen inaysan ka qeyb gali doonin shirkaasi oo ay ku tilmaamen in loga hadli doono arrimaha Soomaaliya oo kaliya.

5

2

3

4
_______-
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles