Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne faroole: oo Salaadiinta ku boriyay in ay soo xulaan Xildhibaano Aqoon leh kana hadlay Xarig u jaristii Federaalka.

$
0
0

4

Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa sheegay in uu ka rajeynayo Salaadiinta iyo waxgaradka Puntland in ay soo xulaan Dad aqoon yahanno ah oo aan qabiil gaar ahaaneed lagu soo xulin iyo dano gaar ah, isagoo ka digay in ay jiraan dad aan wax tar lahayn oo doonaya in ay kusoo hoos dhuuntaan Xildhibaannimada taasoo dib u dhac ku ah buu yiri hanaanka Puntland ay higsanayso ee u gudubka dimuqraadiyada.

 1

Mudane faroole wuxuu cadeeyey in uu soo dhaweynayo cid kasta oo isasoo sharaxda waxtarna u leh umada reer Puntland balse aan la aqbali doonin in ay masiirka dalka isku soo taagaan dad dambiyo qaran galay oo dagaalo ka abaabulay deegaanada Puntland kuwaasi oo la yaqaano meeshey joogaan iyo waxay ku mashquulsan yihiinba sida uu hadalka u dhigay Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in Dowladu ay diyaar u tahay Qabsoomida Doorashooyin xalaal ah oo laga soo shaqeeyay isla markaana uu tartanku furan yahay hadalkaasi oo muujinaya in Madaxweynuhu uu rajo ka qabo markale in uu isku soo sharaxo Doorashooyinka Madaxtinimada Puntland.

 3

Wuxuu ka hadlay Arimaha Federaaliisimka wuxuuna sheegay in Dowlada Soomaliya ay ku xadgudubtay Dastuurkii dalka uu lahaa ayna jeebkeeda midkale kala soo baxday sidaa darteedna aysan wada shaqayn u dhaxayn 2da dhinac ilaa laga saxayo waxa qaldan, Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in shirka Biljim ka furmaya Puntland ay gaarkeed uga qayb galayso oo aysan Cidina matalin ayna beesha caalamka u gudbisan doonto baahiyeheeda Gaarka ah sida uu yiri mudane Faroole.

 5

Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jeediyay munaasabada Ciidul Fidriga oo Maanta si weyn looga ciiday Magaalada Garoowe Dad badan oo Madaxda Puntland ay ka mid yihiinna ay wehliyaan Salaadiin Culumo Aqoon yahanno iyo Bulshada Qeebaheeda kala duwan waxaana hareera magaalada laga dareemayay Astaanta Ciida maadaama ay Caruur iyo Ciroolaba isu soo banaan bexeen si ay maalintan u weyneeyaan.

RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles