Boosaaso[RBC Radio] Salaadii ciidul-fitriga ka dib,waxaa khudbado ay dadka kula hadlayeen soo jeediyey mas’uuliyiinta kala ah Xasan Cabdalle Xasa,Xaaji Muuse Geele Yuusuf iyo Culuma’udiin.
Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan oo ugu horeyn Shacabka la hadlay ayaa ugu hambalyeeyey maalinta qiimaha badan ee Ciidul-fitriga.
…..””” Waxaan ka codsanayaan dadweynaha kunool degmada Boosaaso iney isu naxariistaan waana loo naxariistaa masaakiinta oo kale maanta meeley joogaanba…””ayuu yiri.
Xasan Cabdalle Xasan oo khudbadiisu ay u badneyn baraarujin iyo mahadnaq ayaa shacabka ku dhaqan Boosaaso ugu baaqey iney ka shaqeeyaan amaanka.
…..””Arinta amniga waa inaan u kacnaa,hadaan amni jirin nolol majirto weeye,maahan deegaanadeenu meel aan oran karno amnigeedu boqolkiiba boqol buu jiraa Sababtoo ah intey nala joogan dadka amniga wax u dhimaya waxa weeye hawl baa inoo inoo taal….””ayuu yiri.
Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland Muuse Geelle Yuusuf ayaa isna ku dheeraaday ilaalinta iyo ka shaqeynta amaanka deegaanada Puntland,wuxuuna sheegay in lala shaqeeyo laamaha amaanka.
_________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com