Muqdisho{RBC Radio}Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afriko u qaabilsan Dalka Soomaaliya danjire Maxamed Saalax Annadiif ayaa maanta hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed oo ay u tahay maalintii koowaad ee Ciidul fidriga.
“aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u hambalyeeyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed,maanta waxay gabogabo u tahay Bil Dadku ay muujiyeen dadaal aad u badan waxayna kusoo beegantay waqti ahmiyad wayn u leh shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Annadiif.
sidoo kale Danjiraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ilaashadaan nabada iyo horumarka lagu talaabsaday mudooyinkii aynu kasoo gudubnay ee ay horseedka ka ahaayeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Wakiilka ayaa dhanka kale ku amaanay ciidanka Muslimiinta ah ee ku jira ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afriko ee AMISOM dadaalka ay ugu jiraan caawinta umada Soomaaliyeed iyo soo celinta nabadii iyo kala danbayntii ay mar soomaaliya lahaan jirtay
Wakiilka ayaa ugu danbayntii dhammaan shucuubta muslimiinta ah ee dunida ku nool u rajeeyey iney ku ciidaan farxad iyo Rayn-rayn,hadalka wakiilka gaarka ah ee ururka Midnimada Afrika u qaabilsan armaha Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif ayaa imaanaya xilli ay maanta ku beegan tahay Maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga Islaamka
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho .