Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo “Shirka Brussels waxan u aragna mid wax u dhimaya jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliland”[Sawirro]

$
0
0
Madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo

Madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo

Hargeysa[RBC Radio]Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa maantey kumanaankun oo qof oo reer Soomaaliland ah kula hadley garoonka kubadda cagta ee Xawaadle,madaxweynaha ayaa khudbad dhinacyo badan u jeedeyey shacabka kula sugna garoonka kubadda cagta ee Xawaadle ee tukanayey salaada ciida.

Siilaanyo ayaa hadal uu jeediyey waxaa uu ku soo qadey arrimo badan oo u kaga hadley arrimo kuwaaso quseya maamulka Soomaaliland.

Axmed Siilanyo waxaa uu hadalkiisa kusoo horqadey ammaanka deegaanada maamulkaasi uu ka arrimiyo ee Soomaaliland,waxana uu sheegey in xiligaan Soomaaliland uu ka jiro amni buuxo oo la isku haleen karo kaaso uu uga mahadceliyey ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

…”"”Deegaanada Soomaaliland xiligaan waxaa ka jira ammaan buuxo oo uu isku halen karo qofkasta,waana mid umuqata qof walba oo wax ka og xaaladda Soomaaliland tasao waxan ugu mahadcelinaya ciidamada ammaanka oo iyagu isku howley sidii ay usugi lahaayen ammaanka…”"”ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Siilaanyo waxaa uu sidoo kale hadalkiisu kusoo qadey shir dhawaan lugu wado inuu ka dhaco Brussels kaaso looga hadlayo horumarinta goboladda dalka Soomaaliland,inkastoo maamulka Soomaaliland ee madaxweyne ka yahay Siilaanyo uu marar hore kasoo hor jestey shirkaan.

4

Madaxweynaha Soomaaliland waxaa uu markale ku celiyey in maamulkiisu usan ka qeyb gali doonin shirka maadama sida uu sheegey shirka uu yahay mid wax u dhimaya jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliland.

…”"”Waxan si cadd idin kugu sheegaya oo an ku celinaya mar kale mawqifka Soomaaliland ee ku aadan shirka caalamku noogu baaqday ee Brussels,waa shir horta ay EU-da iyo dowladda Soomaaliya wada marti-gelinayaan , waxaanu u aragnaa mid dhaawacaya jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliland, kaasoo aan waxba kaga duwanayn shirarkii hore ee aanu diidnay, sidaa darteed kama qeyb galidoono shirkaas…”"”ayuu yiri Siilaanyo.

Ugu danbeentina madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siillaanyo waxaa uu ugu baaqey bulshada Soomaaliland inay marnaba ka daalin xoojinta ammaanka iyo lashaqeynta wanagsna ee xiligaan ay wadaan,taaso uu sheegey inay u sa hasho ciidamada inay guul ka gaaran ammaanka guud ee Soomaalialnd.

Maamulka Soomaaliland ayaa marar hore sheegey inaysan ka qeyb gali doonin shir lugu wado in looga hadlo horumarinta goboladda dalka,kaaso dhawaan lugu wado inuu ka furmo Brussels.

3

2

4

1

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo
Deegaan1994@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles