Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Magaaladda Gaalkacyo oo si weyn maantey looga Ciidey [Sawirro]

$
0
0

8

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta looga ciiday si weyn, iyadoo dadweynuhuna ay isku mar ciideen.

Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay guddaha magaaladda si ay ugu qeyb qaatan oogista salaada ciida iyo damashaadka.

Oogista salaada ciida ayaa dadweynaha waxaa isugu yimaaden masaajidda iyo garoonka ciyaaraha ee Cawaale ee bartamaha magaaladda Gaalkacyo ku yaala.

Dadweyne aad u tira badan oo ku tukaday garoonka ciyaaraha ee Cawaale waxaa khudbado kala duwan u jeediyay,masuuliyinta gobolka,degmada iyo wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland.

4

Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tiigey”oo ugu horen munaasabada hadal ka jeediyey ayaa si weyn bulshada gobolka Mudug ugu baraarujiyeey inay dhexda u xirtaan horumarka gobolka iyo amniga.

…”"”Wax walba oo laqabanayo waxay ku xiran yihiin waa shacabka marka waxaa l oobahan yahay in shacabku uu la shaqeyo maamulka,waxan ognahay in hadda qof walba isleeyahay nabad makaga laban doonta salaada taasna waa inan ka gudubna…”"”ayuu yiri guddoomiye Tiigey.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Tiigey

Guddoomiyaha gobolka Mudug Tiigey

Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad ayaa isna khudbad uu jeediyey waxaa uu ku dheeraey sida ay muhiim utahay in bulshada gobolka ay ka shaqeean ammaanka Gaalkacyo si looga gol gaaro inaysan soo laban falalka amniga lidiga ku ah.

…”"”Waxaa muhiim ah inan isu tagno sidii Gaalkacyo ay unoqon lahed meel ammaankeda sugan yahay,taasna si gar ah uma gaari karto waa in la isku garab gala sidii an uga hortagi laheen dadka arqaladeena ammaanka Gaalkacyo…”"“ayuu yiri Axmed Cali Salaad duqa degmada Gaalkacyo.

Ugu danbeentina boqolalakii dadka ahaa ee sugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Cawaale waxaa la hadley wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland C/raxmaan Maxamuud Xasan waxan uu ku dheeraaday muhiimadda maantoo kale ay u leedahay ummaadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta caalamul islaam.

Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad

Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad

Sidoo kale wasiirku waxaa uu ka hadley isbadalka xiligaan ka muqda magaaladda Gaalkacyo oo uu ku sheegey inay horumar badan xiligaan ku talabsatey.

C/raxmaan Maxamuud Xasan wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qadey sida ay lama huran uu tahay in laga yool garo sugida ammaanka Gaalkacyo.

…”"”Anigoo ku hadlaya afka dowladda Puntland oo an xiligaan idin kala jooga markii laga soo tago maamulka gobolka,ruunti Gaalkacyo waxay ku talabsatey horumar baxadleh,masuuliyinta maamulka waxay ku cel celiyen in haddii aysan shacabka kala qeyb qadan sugida amniga inaysan waxba ka qaban karin taasi waa run waayo waxad heli kartan xog aysan heli karin iyago oo ah ciidi fal amni xumo geesaneysa marka halala shaqeeyo ciidamada iyo maamulka…”"“ayuu yiri C/raxmaan Maxamuud Xasan wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland.

Sidoo kale waxa dadweynaha iyaguna lahadley culimada diinta ayaa iyaguna dadweynaha ku baraarujiyay dariiqa wanaagsan iyo ku mashquulidda tubta toosan.

Dhinaca kale waxaan maantey laga ciidin koonfurta Gaalkacyo oo uu ka arrimoyo maamulka Galmudug.

1

 

4

7

5

8

C/raxmaan Maxamuud  Xasan  wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland

C/raxmaan Maxamuud Xasan wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland

____________

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles