Muqdisho(RBC Radio) Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta looga ciida si ka duwan ciidihii hore,Shacabka ku dhaqan magaalada ayaa saaka aroortii hore u dareeray Fagaarayaasha loogu tala galay in lagu Tukado Ciidaha Salaadaha,kumanaan shacab ah ayaa ku kala tukaday goobo kala duwan oo magaalada ku yaal.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud ayaa salaadad Ciida ku tujiyey boqolaal Ruux Masaajika Weyn ee Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho,madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fitriga.
Muqdisho ayaa Ciidan ka duwan Ciidihii hore,shacabka magaalada ayaa si weyn ugu damaashaadaya wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho,waxaana wadooyinka lagu arkayaa Carruur aad u tira badan kuwaas oo gacmaha ku wata Alaabaha ay ilmuhu ku ciyaaraan.
Dadweynaha ayaa qaraabo Salaan u aadaya Eheladooda ku kala nool daafaha magaalada,Jawiga magaalada ayaa maanta ah mid dagan,waxaana magaalada xalay ilaa saaka ka da’ayey Roobab,Jawiga guud ee magaalada ayaa maanta ah mid farxadeed.
Magaalada Mudisho ayaa waxaa si weyn Ciidan looga dareemayaa saxmad aad u fara badan kadib markii ay magaalada kusoo laabteen dad Soomaaliyeed oo ka yimi dalalka caalamka,waxaana guud ahaan magaalada laga dareemayaa Farxadda ciida.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho