Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20264

Muqdisho:Kulan aan Caadi ahayn oo looga arinsanayo amniga Muqdisho oo hadda ka socda xarunta maamulka gobolka Banaadir

Image may be NSFW.
Clik here to view.
maamulka banaadir
Muqdisho(RBC Radio) Kulan looga arinsanayo amni darrada kusoo korodhay  magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa xiligan ka socda xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho

Gudoomiyaha maamulka G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo soo abaabulay kulanka looga hadlayo sugida amniga magaalada  Muqdisho ayaa kulanka goobjoog ka ah,waxaana ka qaybgalaya  gudoomiyahaasha 17ka degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Banaadir iyo Saraakiisha ciidamada nabad sugidda iyo booliska Soomaaliyeed.

Markii uu furmay kulanku ayaa waxaa lagu war geliyay saxaafadu inesan soo geli karin goobta  uu kulanku kasocdo iyadoo haatan saxaafadu ay  dibad joog katahay xarunta uu kulanku ka socdo.

Amniga magaalada Muqdisho oo mudooyinkii u dambeeyey  habacsanaan laga dareemayey, iyadoona shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho marba marka ka danbayso ay kusii kordhayeen walaaca iyo cabsida ay ka qabaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya caasimada dalka  ee Muqdisho,Lama oga  waxa uu ka bedeli doono kulanka ka soconayo xarunta maamulka Goblka Banaadir amni xumada kusii baahaysa Muqdisho.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20264

Trending Articles