Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo laabatay,kana warbixisay shirkii Kampala

$
0
0

foosiyaMuqdisho(RBC Radio) Wasiirka wasaarada arimah dibada ahna reysul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji  Aadan oo dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho ayaa ka war bixisay socdaalkii ay kaga qayb gashay shirkii magaalada Kampla ugu soo gaba gaboobay madaxda ay ciidamadu ka joogaan gudaha  dalka  Soomaaliya

Fowsiyo ayaa beenisay in Khilaaf xoogan uu soo dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyadoo dowlada Kenya ku amaantay doorka muuqda ee ay ka qaadatay xoojinta iyo garab istaaga dowlada Soomaliya fowsiyo ayaa tiri dowlada “Kenya waxay si dhab ah uga qayb qaadatay xoreynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo”.

Wasiirada oo sii wadata hadalkeeda ayaa tilmaamtay in qodobadii kasoo baxay shirkii  Kampla ay ka mid yihiin in Garoonka iyo Dekeda  magaalada Kismaanyo lagu wareejiyo dowlada iyo in  lageeyo magaaladaasi  ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan AMISOM  iyo kuwa dowlada Federaalka Soomaaliya.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku eedeysay qaar ka kamid ah warbaahinta in ay si qaldan u tabiyeen war mur tiyeedkii kasoo baxay magaalada Kampla ee dalka Uganda,iyadoo tilmaamtay in ay sheegeen qilaaf u dhexeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

” taasi waa been wax qilaaf ah oo u dhexeeya ma jiraan labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya”ayey tiri wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf xaaji Aadan.

Maalmahan danbe ayaa waxaa soo baxayey warar isa soo tarayey kuwaas oo sheegaya in Xiriirka dalalka Soomaaliya iyo kenya inuu mugdi soo kala dhexgalay kadib markii dowladda Soomaaliya ay cabasho rasmi ah ka gudbisay kenya oo ay ku eedeysay iney faraha la gashay hawlo ka baxsan shaqadii loo igmaday walow ay Fowsiyo beenisay jiritaanka warkaasi.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles