Qardho[RBC Radio] Waxaa Magaalada Qardho si weyn loogu soo dhaweeyey Ardayda kaalmaha ka gashay Tartankii Qur’aan akhriska ee loo qabtay Degmooyinka Puntland,waxaana kaalmaha koowad 30 jus iyo 20 jus ka galay labo arday oo ka socday Magalada Qardho halka kaalinta saddaxaad 10ka jus uu kaalinta saddaxaad ka galay arday ka socday magalada Qardho,waxaana soo dhaweynta ka qeybgalay Madaxkala duwan.
Ardayda kaalmaha ka gashay Tartanka Qur’aan akhriska ayaa waxaa lagu soo wareejiyey Gudaha Magalada si loo tuso taageeridda loohayo iyo sida loogu faraxsanyahay Guusha ay keeneen.
Xoghaya Dowladda Hoose Qardho,Maxamuud Xasan Shire,Madaxa Maaliyada Gobolka Karkaar C/risaaq Cali Cartay ayaa ka hadalay soo dhaweynta loo sameyey ardaydaani guusha ka soo hooyey tartankii Qur’aan akhriska ee lagu qabtay Magalada Qardho,waxa ayna sheegeen in aad ugu faraxsanyihiin in guulo ay ka keenaan arday mataleysa Qardho tartankii Qur’aan akhriska ee lagu qabtay
magalada Garowe.
Xildhibaan C/qaadir Siciid Caarshe ayaa ardayda kula dardaarmay in dadaalkooda ay meesha ka sii wadaan.
Shucayb Maxammed Cabdulaahi oo ka socday Magalada Qardho ayaa kaalinta kowoaad ka galay 30jus ee Qur’aanka.
Waxaa kaalinta koowaad 20ka jus kaalinta koowaad ka galay Cabdirashiid xuseen faarax. Kaalinta sadaxaad 10 jus waxaa galay Cabdiraxmaan cabdulaahi maxammed.
Qardho waxa ay caan ku tahay waxbarashda waxaana sanadihii la soo dhaafay sii kordhay heerka waxbarashda,waxa ayna guulo ka gaareen sanadkaan dhammaan tartamadii ay ka qeybgaleen oo ka baxayey Idaacadaha.
_______________________
RBC Radio