Muqdisho[RBC Radio] Wasiirkii hore ee dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Soomaaliya Cabdirixmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah xiligaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday inaan Isbadel muuqda lagu sameyn Dastuurka.
Xildhibaan Cabdirixmaan Xoosh Jibriil oo ku sugan magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dastuurka laga badelay oo kaliya qodobka caasimada ee Muqdisho balse Isbadel kale aanan lagu sameyn taasina ay tahay been abuur.
Qodobada dhanka dastuurka ee isbadelka lagu sameeyey ayuu ku sheegay Xildhibaanku iney yihiin Magaalo madaxda dalka,Aqalka sare ee Baarlamaanka iyo mudada xil haynta Madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Soomaaliya Cabdirixmaan Xoosh Jibriil ayaa xusay in eedeynta Puntland ee wax ka badelka aysan waxba ka jirin isla markaana Dastuurku sidii yahay.
….””” Waxa ay Puntland soo qoreen wax ka jira majiraan,aniga maqabo laakiin maalmahan waa iska soo iney arrimo soo Jeediso Puntland,waxan oran lahaa Puntland hala kala saaro Madaxweyne Faroole,…””ayuu yiri.
Wuxuu xusay in Saxiixayaasha Roadmapka-ka ay ahaayeen Saxiixaaal Siyaasadeed kuwaas oo keena qodobada lagu soo heshiiyo balse aanan ahayn dad Dastuurka dhameystiraya.
….”””….””” Saxiixayaasha Roadmap-ka waxay ahaayeen Saxiixayaal Siyaasad ah oo waxa lagu soo wada heshiiyey keenaan laakiin ma aysan ahayn dadka Dastuurka dhameystiri lahaa,waxana sida la ogyahay Dastuurka lagu dhameystiraa afti….”””ayuu yiri.
Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Faroole ayuu ku sheegay nin arrimo Siyaasadeed haystaan isla markaana aan looga baahneyn in dastuurka u marmarsiiyo ka dhigto.
….”””Madaxweyne Faroole arrimo Siyaasadeed baa hada haysta oo isaga u gaar ah arrimahasna uu isga weeciyo marmarsiyana ka dhigto,waxaana Jeclaan inuu siyaabo kale u xaliyo Siyaasadiisa inuusan dastuurka kusoo gaban…..”””ayuu yiri.
Wasiirkii hore ee dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee Soomaaliya Cabdirixmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah xiligaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xili Puntland ay xiriirka u jartay dawladda Soomaaliya.
_____________________
RBC Radio