Baydhabo(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baudhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in xalay ay magaaladaas dagaal ku qaadeen ciidan ka tirsan kuwa Alshabaab,dagaalka oo dhacay xalay ayaa waxa ay ku beegsadeen fariisin ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen xaafadda Suuqa Balka ee magaalada Baydhabo.
Dagaal in muddo ah socday ayaa halkaa ku dhexmarayt alshabaabkii dagaalka soo qaaday iyo ciidamadii dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu weeraray fariisinkooda,lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaas oo qalqal iyo walaac badan ku abuuray bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee magaalada Baydhabo gaar ahaan kuwa ciidanka Madaniga ee suga amniga magaaladaas ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaas,isla markaane ay ciidamadu dib iskaga caabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa xiliyadii u danbeeyey kusoo noqnoqonayey dagaalada ay magaalada ka geysanayaan ciidamo abaabulan oo ka tirsan alshabaab,amniga Baydhabo ayaa u muuqday mid ka duwan sidii hore tan iyo markii ay ka bexeen ciidamadii Ethiopia ee gacanta ku hayey magaaladaasi.
Alshabaab oo lagu yaqaano iney guulo ka sheegtaan dagaalada ay la galaan ciidamada dowladda iyo kaabaya ee AMISOM ayaan ilaa hada wax war ah oo ku saabsan dagaalkan uusan kasoo bixin.