Muqdisho(RBC Radio) Nuur Cumar Cismaan oo ka mid ahaa Carruur ku sugnaa dugsi Qur’aan ku yaalla deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose oo uu dhaawac halis ah uu kasoo gaaray rasaas indha la’aan ah oo ay ku fureen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dalbaday in wax loo qabto.
Nuur Cumar oo da’diisu tahay 9 sano jir ayaa xaaladiisa caafimaad dalka wax looga qaban waayey sida uu inoo sheegay adeerkiisa Daa’uud Macalin,wuxuu tilmaamay in Nuur markii wax looga qaban waayey gudaha dalka loo qaaday dalka dbadiisa gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Daa’uud ayaa sheegay in dhaqaatiirta Cisbitaalada dalka Kenya ay u sheegeen in xaalada Caafimaad ee wiilka da’da yar ee Nuur Cismaan aan waxba laga qaban karin,wuxuu intaa ku daray in dhaqaatiirtu ay u sheegeen in Nuur ay xabbadu kaga Jirto Xubinta Taranka (Xiniinyaha) isla markaane ay neerfo saaran tahay aysane suurta gal ahayn in qaliin lagu sameeyo lagana bixiyo.
Adeerka wiilkan yar ee dhibbanaha ah ayaa sheegay Nuur Cali uu yahay naafo waayey xubintiisii Taranka wuxuuna ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidankii AMISOM ee dhibaatada intaa la eg baday iney usoo gurmadaan isla markaane ay siiyaan Magdhow.
Ilmaha da’da yar oo laftiisu warbaahinta la hadlay ayaa ka sheekeeyey sidii ay u haleeshay dhibaatada ku dhacday wuxuuna tilmaamay in xilli aroor ah iyaga oo ku sugan dugsi Qu’aar ay dhiganayeen oo ku yaal deegaanka Leego ee Shabeelaha hoose ay rasaas la dheceen ciidanka AMISOM halkaasne uu ka mid ahaa dad badan oo ku waxyeeloobay.
Wuxuuna intaa raaciyey in xiskiisu uu soo noqday maalmo kadib markii la gaarsiiyey magaalada Nairobi,wuxuuna tilmaamay in loo sheegay iney AMISOM dhibaatadan gaarsiisay,Nuur ayaa ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha taliska AMISOM iney wax ka qabtaan dhibaatadiisa.
Gudi ay dowladdu u saartay dhacdadan ayaa AMISOM ku eedeeyey iney si bareer ah u gumaaday Carruur yar yar oo ku sugnaa dugsi Qur’aan balse AMISOM ayaa dhankooda ku andacooday iney rasaasta fureen balse ay cadow la dagaalamayeen,taliska AMISOM oo gudi gaara u saaray baaritaanka arintan ayaa ilaa hada wax war ah soo saarin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho