Qaybta 8aad
Habka ugu habboon ee doorashada lamaanahaaga
Sh. Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com
Agoosto 07 2013
Soo yaree shuruudaha markii waqti la gaaroba
Image may be NSFW.
Clik here to view.Qof kasta oo dhalin yaro ah waxaa qalbigiisa ku sawiran wax cajiiba oo khayaali ah oo ah qofka uu rabo inuu mustaqbalka nolosha la wadaago. Inta badan waxa qalbiga ku sawirani xaqiiqada waa ka fog yihiin suuragalna maahan in la helo.
Hadaba hadii gabadhu markay inanta tahay shuruudo u samaysato qofka ay doonayso. hadii ay ku guulaysato qofkaas ama wax u dhawdhaw waa khayr laakiin hadii la waayo da,diina soo gaarto ilaa 23jir waa in shuruudihii dib loogu noqdaa oo lasoo gaabiyaa .
Hadii wax la waayo ilaa 30jir waa in mar labaad lagu noqdaa ilaa wax laga helayona sidaa lagu wadaa. Maxaa yeelay mar walba fursaduhu waa soo yaraanayaan.
Tusaale hadii shuruudaadii hore ay ka mid ahayd inaadan guursan nin da,weyn ama naag qaba waad badali kartaa si looga fogaado khatarta guur la,aanta.
Tan kale shuruudahaagu mar walba waa inay la jaanqaadaan waxyaalaha adiga laftigaaga laguugu xilan karo ee cirka ha is gayn dhulkana ha is dhigin.
Waalidka talada wax kasii
Waalidku inta badan ilmihiisa wuxuu la jecel yahay khayr iyo mustaqbal wanaagsan mana mudna in gabadhu aysan ka qaybgalin talada cida ay la wadaagayso nolosha.
Mida kale allaah oo naga yaqaan waxa maslaxadu noogu jirto ayaa talada waalidka u dhiibay . sidoo kale waalidku adoon dhalan ayuu hawsha guurka iyo waxa la xariira yaqaanay intaasna hadba waxbaa u kordhayey waana kaa khibrad badan yahay ee ka faaiidayso.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ((wax lagu tashaday ceeb ma keenaan haday keenaana canaan ma keenaan)). Sidaa awgeed qofku markuu guursanayo wuxuu galayaa bakhtiyonasiib aan la garanayn wax kasoo baxaya hadaba haday gabadhu waalidkeed talada la wadaagto wixii dhiba oo hadhow yimaada qoyskay ula siman tahay waana loo wada istaagayaa xalinteeda.
Waxaa dhacda marmarka qaar in waalidka wax ka khaldan yihiin ama si aan sax ahayn uu u fakarayo xiligaas waxaa la rabaa in gabadhu si xirfadaysan mushkiladaas ku xaliso sida inay u kaashato dad wax ka dhaadhicin kara ama iska barido ama siyaabo kale oo aan keenayn inay ayada iyo waalidkeed kala fogaadaan.
Calafkaaga ha degdegsan
Gabdhaha qaar ayaa degdegsada sidii ay ku heli lahaayeen nin sugina waaya inta uu u imaanayo sameeyana falal ay isleedahay wax kusoo jiido laakiin wax kasii fogeeya.
Qaarkood ayaa aad u dhex gala wiilasha oo muujiya furfuraan badan iyo kaftan oo banaanka isi soo dhiga wiilashuna inay dano kale ka yeeshaan waa suurogal laakiin guurkeeda uma degdegaan waxayna u arkaan qof fawda ah xataa haday arkaan mid raba inuu guursado waa kala taliyaan.
Qaar baa quruxdooda banaanka soo dhiga oo qaata dhar khafiif ama dhajis ah ayagoo is leh wax soo jiita laakiin ciyaal suuq kale waa meeshiis ragase akhyaarta ihi isuma quuraan. . Allaha u naxariistee Abshir bacadlaa taas raga uga digay markii uu yiri:
Waxa suuqa qoodaynayood qalanjo moodayso
Qalbigaaga ka ilaasho waa qare dameeraade!
Qaarbaa aad u wareega oo socod badan oo intaas hadba xaafad taagan ama suuqyadaba ayagoo wax raadis ah laakiin waaku qiimo dhacaan halka kuwa kale ay moobaylka ku caanamaalaan oo hadba wiil falaashaan ayagoo leh ((aboowe ma isoo wici kartaa)) kuwa kalena waxay ka ugaarsadaan facebooga iyo jaatinka.
Hadaba ogaada gabadha xaga raga qaaliga ihi waa gabadha gurigeeda ku asturan daneheeda waxbarasho iyo hawl guriba ku mashquulsan ay adag tahay in si fudud lagu helo akhyaartuna gabdho kale fariimo usoo faraan markay guur ka rabaan wax kalena aan lagula dhici Karin mida kale gabadhaasi wixii ay ceeb lahayd waa qarsoon yihiin marka inaad gabadhaas noqoto ayaan kugula talin lahaa.
Ha aqbalin guurka qarsoon
Sunadii Nabi Max,ed NNKH waxay ahayd in guurka la muujiyo oo laga durbaan tumo laguna farxo soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa: (( xalaal iftiino ayaa la qashaa)). Waxaa xumaanta guurka noocaan ah kaaga filan inaad is waydiiso ninka wax qarsanayaa muxuu qarinyaa?.
Ha aqbalin meher kala dhiman oo laga qarsaday waligaaga (masuulkaaga) xadiithkuna wuxuu ahaa (( nikaax ma guntamo wali la,aan)). Waxaa kaloo jira aayado quraan iyo axaadiith badan oo macnahaas tusaya halka mad,habka shaaficiga ee soomaalidu u badan tahayna qabo sidaas.
Gabdho badan baa lagu khiyaanay guurkaas koontarabaanka ah oo ilmihiina lagu inkiray halka kuwa kalena aan la dhisan oo laga dhuuntay ogowna ninka kuu soo bandhigaya inuu qarsoodi kuu guursado diyaar uma aha guurkii qoyska lagu dhisi jiray ee inuu shahwo kaa guto kaliya ayuu rabaa.
Waxaan usoo joogay nin dhalinyaro ah oo aan wada shaqayn jirnay ayaa gabar usoo bandhigay guur noocaan ah waana heshiiyeen laakiin darawalkii gaariga lagu masaafaynayey ayaa gabadhii gartay oo eedadiis ayaa dhashay wiilkuna isuma aqoon, darawalka oo ahaa nin wanaagsan ayaa labadoodii usoo bandhigay inay iska daayaan qarsoodiga oo uu asagu waalidiintii kasoo dhamaynayo inay sidii saxda ahayd isu guursadaan saasaana masaafadii lagu joojiyey.
Waalidkii aad bay ugu farxeen arintii wayna fududeeyeen waliba wiilka oo ahaa macalin ayey yiraahdeen aad baan ugu qanacsanahay inaan gabadhayada siino waana loo meheriyey.
Laakiin wiilkii gabadhii ma dhisan kamana muuqan abaabul ah inuu rabo inuu dhisto. Mudo kadib anigu waxaan u qaatay in culays dhaqaale jiro maalintii danbe ayaan u yeeray oo hawshii kusoo qaaday waliba waxaan u sheegay inaan anagoo dhan u istaagayno inaan reerka la dhisno iskuulkana anaa maamule ka ahaa.
Laakiin wiilku ma rabin gabadha inuu dhisto maxaa yeelay markii horeba xaas ahaan uguma qancin wuxuuna ku cileeyey inaysan qurxoonayn ujeedada uu kalahaana ay ahayd kaliya inuu isaga meel gaaro .
Sh. Axmed Dheeli
awdheeli2000@yahoo.com
Dhamaad
==============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM