Qardho[RBC Radio] Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa cafis u fidiyey Maxaabiis ku kala jirtay Xabsiyada Puntland.
Maxaabiista uu cafiska u fidiyey Madaxweynaha Puntland ayaa gaaraya 94 Maxbuus,kuwaas oo ku kala jiray Xabsiyada magaalooyinka Boosaaso,Qardho,Garoowe iyo Gaalkacyo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Faroole ayaa cafiska uu u fidiyey Maxaabiista Ujeedkeeda lagu sheegay Munaasabada Ciidul-fitriga awgeed ee nagu soo aadan iyo dib u eegid lagu sameeyey danbiyada ay galeen.
Tirada Maxaabiista iyo Magaalooyinkey ku kala jireen:
- 47 Maxaabiis waxay ku jireen Xabsiga magaaladda Boosaaso.
- 33-kamid ah Maxaabiista waxay ku jireen Xabsiga magaaladda Qardho.
- 10-Maxbuux,waxay ku jireen Xabsiga magaaladda Gaalkacyo.
- 4-Maxbuuna waxay ku jireen Xabsiga magaaladda Garoowe.
Taliyaha Saldhiga ee magaaladda Qardho Siciid Xirsi Ibraahim oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maxaabiista cafiska loo sameeyey uu kula dardaarmayo iney dib ugu laaban falalkii ay horey u galeen kuna muteysteen Xabsiga.
Talaabada uu qaaday Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyey Maxaabiista cafiska u sameeyey.
______________________
RBC Radio