Mogadishu, Agoosto 6: waxaa maanta lagu qabtay magalada Muqdisho xuska sannadguurada 2aad ee ka soo wareegtey aasaaskii Xisbiga Dadka Soomaaliyeed. Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal ka tirsan tageerayaasha xisbiga ayaa waxey ka dhacday xaruunta Xisbiga Dadka ee magaalada Muqdisho. Waxaa xuska sannadguurada 2aad ee Xisbiga Dadka ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada, haweenka, iyo odeyaasha dhaqanka. Waxaa Sidoo kale ka soo qeybgalay xaflada xuska wufuud ka kala timid taagerayaasha xisbiga ee gobolka Bay, Shabeelada Hoose, Banadir, iyo Galgaduud. Waxaa si gaara xuska cayaar dhaqameed ugu soo bandhigay taageerayaasha Xisbiga Dadka ee gobolka Bay. Waxaa goobta xaflada qudbado ka soo kala jeediyey martisharaf kala duwan iyo madaxda xisbiga ee gobolada Bay, Banadir, iyo Shabeelada Hoose, waxaana kadib qudbad dheer xuska ka soo jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Dr. Saciid Ciise Maxamuud.
Qudbada gudoomiyaha ayaa si kooban uga hadashay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: taariikhda xisbiga iyo xaalada ay ku sugan tahay siyaasada dalka. Markii uu gudoomiyuhu ka hadlayey qaabdhismeedka xisbiga ayaa wuxuu tilmaamay in Xisbiga Dadka lagu aasaasay magaalada London taariikhdu marka ay ahayd June 6deeda sannadka 2011, ujeedada loo aburayna ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay u horseedo in ay dadku yeeshaan awooda dowladnimo, kalsoonidoodana ay ku yimaadaan hogaamiyeyaasha dowlada, lana helo dowlad u adeegeysa danta guud ee dadweynaha, kuna shaqeyneysa rabitaanka shacabka.
Gudoomiyuhu mar uu ka hadlayey xaalada uu ku sugan yahay dalka wuxuu tilmaamay in dowlada hadda ay sannad jirsatey wadanka xaaladiisuna ay mareyso meel khatara oo sadaal ahaan u jeeda iney dib u soo noqdaan dagaaladii kooxaha diinta, kuwa u dhexeeya beelaha wada dega, iyo kooxo abaabulan oo hubeysan oo dhaqan dembiyeed raba iney dowlad-goboleedyo ku maamulaan qaar ka mid ah gobolada dalka. Kismaayo waxey gacanta u gashay koox beeleed hubeysan oo dowlada Soomaaliya ka harig furtay lana hoos gashay Kenya awoodi ay muquunsatay. Dowladu waxey ka gaabisay in mucaaradka hubeysan ee marooqsaday maamulka Kismaayo iney ula dhaqanto qaab dowladnimo oo raacsan in la mariyo mariinka uu mudan yahay mucaaradka hubeysan. Gobolada waqooyi Bari waxaa hogaankeeda la soo dersey diidmo ay shacabka degaanka ay kaga soo horjeedaan siyaasada soo xumaatay ee hogaanka maamulka dowlada gobolka. Hogaamiyaha maamulka dowlada waqooyi Bari wuxuu si cad uga xarig furtay dowlada dhexe ee Soomaaliya oo maamulkiisu wax ka dhiseen isaga oo ku haminaya inuu dib u raaco dhaqanxumadii nidaamkii kmg oo ku saleysnaa isbarbaryaac lagu ugaarsanayo kaalmada caalamka. Dowlada waxey ka aamustay iney ka hortagto xiriirka dhexmaray wadamada deriska, shirkadaha shisheeyaha, iyo madaxda maamul-goboleedyada, waxaana cad in awoodaha ciidan qalab sida iyo xiriirka shisheeyaha ay iska leedahay oo keliya dowlada dhexe ee Soomaaliya. Maamulka dowlada cadeysatay iney ka go’day Soomaaliya oo la yiraahdo Somaliland waxey dowlada Soomaaliya la bilowday wadahadal aan lahayn dhamaad, waxeyna labada dhinac ay qaadeen mariin ay ku dhunsan yihiin. Waxaa loo baahan yahay in madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay fahmaan in xalka uu yaalo Soomaaliya dhexdeeda, loona baahan yahay in shacabka waqooyi iyo kan koofureed lagala tashado aayahooda mustaqbalka, madaxda labada dhinacna ay la kulmaan labada shacbi si isweydaarsan. Gobolada dhexe oo diyaar u ah in dowladu ay la dhisto maamul dowlad-goboleed ayaan marna helin gacansiintii ay uga baahnayeen dowlada. Gobolada dhexe waxaa ka dhisan maamulo ay horkacayaan hogaamiyeyaal ka soo jeeda koox-diimeedyo iyo dowlad-beeleedyo, shacabkooduna waxey geedi ugu jiraan tabagelinta dowlad-goboleed weyn oo ka dhex abuuranta gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan, iyo Shabeelada Dhexe. Wuxuu xalka gobolada dhexe ku jiraa in dowladu ay gacan ka geysato dhismaha maamul dowlad-goboleed ka madaxbanaan kooxeysiga hubeysan ee salka ku haya dariiqooyinka diinta, burcadnimada, iyo qabyaalada. Gobolka Shabeelada Hoose waxaa ka jira xiisado coladeed oo salka ku haya waxqabad la’aan ka dhashay maamulxumo, una xuubsiibtey dareen qabyaaladeed oo la isaga horkeenayo beelaha walaalaha ee gobolka wada dega. Waxaan Shabeelada Hoose ka jirin adeegyada amniga, garsoorka, iyo maamul wanaagsan oo dadka u xaqsoora. Xalka gobolka wuxuu ku jiraa in shacabku uu ismaandhaafkiisa ku xaliyo si nabada, dowladuna ay gudato waajibaadkeeda iyada oo gaarsiineysa degaankaas adeegyada dowlada. Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in dowladu ay kala tashato dhamaan shacabka wada dega gobolka xulista madaxda deegaanka inta laga gaarayo doorasho ay shacabku ku soo xushaan madaxdooda.
Gudoomiyaha oo ka hadlaya waxqabad la’aanta dowlada wuxuu tilmaamay in madaxtooyada looga arimiyo Soomaaliya ay ka taagan tahay hogaanxumo, talada dalkana ay isku koobeen koox gaara oo aysan cadeyn siyaasadoodu meesha ay u jeedo. Waxaa muuqata ineysan dowladu lahayn sir u xafidan, hayadaha waaweyn ee dowladana ay ka howl gelayaan howlwadeeno shisheeye oo ku dhexmilan madaxda sare ee dowlada. Waxaa dhalanteed ku dhamaadey qorshaha dowlada ay u dejisey in dib loogu dhiso dowladnimada Soomaaliya, waxaa gacanta dowlada ka baxay amniga kadib markii ay kalsoonixumo soo kala dhex gashay dowlada oo dhinac ah iyo ciidanka iyo shacabka oo dhinaca kale ah, ciidanku waxey waayeen madax si daacada dowladnimo Soomaaliyeed ay ugu shaqeeyaan, shacabku wuxuu waayey xaafiis dowlo oo cabashooyinkooda kala duwan ay u jeediyaan ama ay u raadsadaan adeegyada aasaasiga ah ee shacabku uga baahan yahay xaafiisyada dowlada. Madaxda dowlada waxey ku tiirsan tahay amniga ciidamada shisheeyaha, mana cadda xiliga laga maarmayo ku tiirsanaantooda. Waxaa muuqata in tirada ciidamada shisheeyaha ee jooga Soomaaliya aysan dhameyn cadada caalamka hantida looga qaato, wadamada ay ka joogaan ciidamadu ay madaxdoodu u madaxbanaan yihiin maaliyada ka soo gasha joogitaanka ciidankooda nabad ilaalinta. Waxaa isi soo taraya sida ay dowladu raali uga tahay kordhinta iyo qalabeynta ciidamada shisheeye, meesha ciidank Soomaaliyeed ay ku la’ yihiin xuquuq iyo qalabba ay ku gutaan waajibaadkooda.
Gudoomiyaha oo ka hadlaya siyaasada dibeda ee dowlada wuxuu sheegay in dowladu ay xooga saartay shirar lagu ugaarsanayo kaalmada caalamka oo ay rabto in madaxda sare ee dowlada ay si gaara u maamushaan qeybta uga soo aada deeqahaas, meesha hantida inta ugu badan ay ku baxdo shirkado shisheeye oo si dalaalnimo lacagtaas ku maamulaya adeegyo aan muuqan oo shacabka aan waxba ka soo gaareyn, kuwaas oo qandaraasyo ku heysta maamulka cirka, badda, iyo berriga Soomaaliyeed. Waxaa soo muuqaneysa in taageerada caalamka uu soo gaabanayo, wadamo badana ay shaki ka qabaan aragtida dowlada oo ku dhisan dhalanteed, waxeyna in badan ku dhaliilayaan madaxda dowlada iney caalamka aqoonsi uga raadsanayaan kaalmo ay ku yaboohsanayaan oo keliya, meesha looga baahna in marka hore ay shacabkooda weydiistaan aqoonsi salka ku haya kalsooni buuxda oo ka dhalata dibuheshiisiin ka dhaqangasha guud ahaan gudaha Soomaaliya.
Ugu dambeyntii gudoomiyaha Xisbiga Dadka Dr. Saciid Ciise Maxamud wuxuu u soo jeediyey in la dhimo ciidamada shisheeye ee jooga Soomaaliya, gebi ahaana ay Soomaaliya ka baxaan dhamaadka sannadka 2014. Joogitaanka ciidamadaas waxey caqabad ku yihiin dibudhiska ciidanka Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda, iyo in Soomaalida dhexdeeda ay ka dhalato dibuheshiisiin ku dhisan nabad oo ka madaxbanaan faragelin shisheeye. Waxaa dowlada looga baahan yahay iney cadeyso gobolada dalka iyo magacyadooda Soomaaliyeed iyo magaca la siinayo madaxda gobolada, taas waxey meesha ka saareysa magacbixinta qalaad ee maamul-goboleedyada Soomaaliyeed lagu astaameynayo iyo inuu meesha ka baxo magaca madaxweynimada oo uu xaq u leeyahay adeegsigiisa madaxda wadamada xorta ah oo madaxbanaanidooda uu aqoonsan yahay xeerarka caalamka. Madaxda dowlada waa in habdhaqankoodu ku saleysan yahay nidaamka dowladnimada oo u furfuran dhageysiga dareenka shacabkooda, waana iney geyso adeegyada dowlada shacabku meelkasta oo uu degen yahay si dadku ay u helaan amni, garsoor, iyo maamul dowladnimo oo degaanadooda ka hirgala. Waxaa sidoo kale dowlada lagula talinayaa in hub ka dhigis lagu sameeyo falaagada Raas Kamboni. Dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya waa in la ilaaliyo xuquuqdooda wadaninimo iyo maciishadooda nololeed inta laga rarayo oo la dejinayo degaanka ay doonayaan iney wadanka kaga noolaadaan.
Gudoomiyuhu wuxuu qudbadiisa ku soo xiray codsi uu u jeediyey caalamka oo ah in amaah la siiyo dowlada, kaalmadana si toosa loogu fidiyo shacabka iyada oo loo soo marsiinayo hayadaha Soomaaliyeed ee aan dowliga ahayn ee ka jira dhamaan gobolada Soomaaliyeed. Wuxuu Xisbiga Dadka u soo jeedinayaa caalamka in howlgalada AMISOM ay noqdeen kuwo ku guuldareystay nabad ilaalinta Soomaaliya, waxaana la soo dersey horukac la’aan ku yimid howlgaladii ciidan ee loo xilsaaray, wuxuuna xisbigu ku talineynaa in Ciidamada Kenya ay ka baxaan guddaha Soomaaliya, lana dhimo joogitaanka tirada ciidamada shisheeye ka jooga Soomaaliya si Soomaalida loogu madaxbaneeyo iney nabadgelyadeeda sugato, madaxda sare ee dalkana ay xaqiiqsato iney la timaado kalsoonida shacabkeeda oo buuxda ama ay aqoonsato iney la kulmeyso jidkii ay mareen kooxihii kelitalisnimada ku dhisnaa. Wuxuu sidoo kale u soo gudbiyey shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan iney ka soo qeyb galaan ka mid noqoshada Xisbiga Dadka.