Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Abaalmarino La Gudoonsiiyey Arday Ku Tartantay Akhriska Qur’aanka Kariimka ah ee Magaaladda Qardho [Sawirro]

$
0
0

SONY DSCQardho[RBC Radio]  Ardaydaani oo ku tartamay 30Jus,15Jus iyo 5Jus ee Qur’aanka kariimka waxa ayna ka socdeen Dugsiyada Qur’aanada ku yaalao\ Magaalada Qardho oo kala ahaa Dugsiga Daarul Qur’aan,Dugsiga Imaamu Dahabi,Dugsiga Abuu Ayuub Al-Ansaari iyo Dugsiga Al-Furqaan,waxaana ardaydii ka qeybgalay tartankaani ay muujiyeen sida ay u xifdisanyihiin Qu’aanka kariimka.

Waxaa ugu danbeyntii ardaydii kaalmaha ku guuleysatay la siiyey ablaalmarino kala duwan,waxaan a tartankaani soo agaasimay Hey’adda Hormarinta Bin’aadamka oo ka shaqeyso arimaha Waxbarashda,Sharciga,iyo Tababarada,waxa ayna ugu talagaleen tartankaani in ay ku dhiiri galiyaan ardayda barata Qur’aanka kariimka.

Sidoo kale tartankaani ayaa waxaa qeyb ka ahaa tartan ay ardayda u galeen xifdinta kitaabka Arbiciinka oo ay ku tartameen xifdinta Xadiithka,waxaana ardaydii ku tartantay Xadiith ay kaalinta kowaad isla galeen kadib markii ay soo bandhigeen sida ay u xifdisanyihiin Kitaabka Arbiiinka oo ka kooban 40-Xadiith.

Xafladii lagu soo xiraayey Tartankaani Qur’aan aqriska ayaa waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise,Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/qur’aan Maxamed Aadan,Gudoomiyaha Waxbarashda Gobolka Bashiir Axmed Gaal’eri,Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye iyo Macalimiinta iyo Gudiga Tartankani.

SONY DSC

Hadalo laga soo jeediyey ayaa u badnaa Mahadcelin iyo dhiiri galin dhammaan aradayda kaalmaha ka gashay Tartankanai,waxaana loo rajeeyey in ay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan.

Burhaan Maxamed Cali oo ka socday Hey’adda Hormarinta Bin’aadamka ayaa sheegay in Ujeedka ay u qabteen tartankani in uu yahay sidii loo dhiirigalinlahaa ardayda barata Qur’aanka,waxa uu tilmaamay in sidookale ay soo kordhiyeen Fikrad cusub oo ah in lagu tartamo Axaadiithda,waxa uuna balan qaaday sanadka soo socda in kordhindoonaan dugsiyada iyo ardayda ka qeybgalaya Tartankaani.

01. Kaalinta Koowaad 30-ka Jus waxaa galay Maxamed Mowliid Axmed.

02. Kaalinta koowaad 15ka Jus waxaa galay Aasiyo C/naasir C/llaahi.

03. Kaalinta koowaad 5ta Jus waxaa galay C/raxman Slaad Aadan.

04. Ardayda kaalmaha kowaad wada galay ayaa waxa ay ka socdeen Dugsiga Daarul Qur’aan.

Tartankaani ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli dhammaan gobolada Puntland Tartankii Qur’aan aqriska ee lagu qabtay Garowe ay kaalinta koowaad 30jus, kaalinta Koowaad 20Jus iyo Kaalinta Sedaxaad 10Jus ay galeen arday ka socday Magaalada Qardho.

SONY DSC SONY DSCSONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC

____________________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles