Muqdisho(RBC Radio)Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Ganaraal C/llaahi Maxamuud Gaafow oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa degniin culus ujeediyay Shirkadaha Diyaaradaha ee ka shaqeeya muqdisho inesan qaadi karin dadka wata baasaboorkii hore ee cagaarnaa ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee xiligiisu dhacay.
Hadalka Taliyaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay dad badan oo soomaaliyeed u diyaar garoobayaan aaditaanka xajka sanadkan taliyaha ayaa sheegay in baasaboorkii hore ee soomaaliga uu sababay in dalalka dunidu ay shaki xoogan ka muujiyaan dadka wata baasaboorkii hore ee soomaaliga.
Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha oo sii wato hadalkiisa ayaa tilmaamay in uu noqon doono Baasaboorka cusub ee” E Baasboor”mid looga gudbo fekerkii uu caalamku kaqabay Baasaboorka soomaaliga ah “meel marinta go’aankan wuxuu guul u yahay dhamaan umada soomaaliyeed iyadoo horseedi karta in uu wanaagsanaado xiriirka caalamku laleeyahy soomaaliya”ayuu yiri taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Gen. Gaafow.
Digniintan ayaa kusoo beegmayso xili ay dad badan oo Soomaaliyeed isku diyaarinayaa soo gudashada waajibaadka xajka, iyadoo ay jiraan dad badan oo isticmaala Baasaboorkii hore ee jamuuuriyada soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho