Hargeysa(RBC):- Hoggaanka Xisbiga muxaafidka Somaliland ah ee KULMIYE, ayaa caawa shaaca ka qaaday in dib loo dhigay shirweynihii Xisbigaas ooh ore ugu muddaysnaa in la qabto bishan Marso ee aynu ku jirno. Waxaanay sheegeen inay shirweynaha Xisbiga qaban doonaan 25-ka bisha December ee daba-yaaqada sannadkan.
Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa War-Saxaafadeed uu caawa soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska RBC Radio (Raxanreeb) ee magaalada Hargeysa, waxaa uu u qornaa sidatan:-
“Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu 17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee Xisbiga ee magaalada Hargeysa, lagagana wadahadlay muddaynta qabashada Shirweynaha caadiga ah ee Xisbiga KULMIYE waxaa uu ku go’aamiyey waqtiga rasmiga ah ee qabashada shirweynaha Xisbiga.
Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-
Ø Markii uu la tashaday Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE.
Ø Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Somaliland ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha Xsibiga KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka Xisbiga, soo jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumaddeedu tahay JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
Ø Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta dib-u-dhigista qabashada shirweynaha Xisbiga.
Ø Markii uu arkay go’aanka sumaddiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland, go’aankaas oo Guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha Xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta waa hay’adda awoodda sharciga ah u leh ku kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha caadiga ah ee xisbiyada Somaliland).
Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go’aamiyey in qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu. Allaa Mahad leh.”
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.