Garoowe( RBC RADIO) Wasiirkii qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ee Dowlada Puntland Daa’uud Maxamed Cumar (Bisle) ayaa sheegay in uu kaalin ka qaadan doono isu soo dhaweynta Dowlada DFS iyo Puntland isla markaana midayn doono qorsha siyaasadeedka 2da dhinac mar uu maanta ka hadlayay Xaflad uu xilka ku wareejinayay taasi oo ka dhacday Xarunta Wasaarada ee Magaalada Garoowe.
Daa’uud Bisle oo sheegay kaliya in uu ka mid noqon doono Dowlada Federaalka balse aan arimahaasi Faa’faahin iyo Xilka uu qabanayo ayaa sidoo kale sheegay in uu u mahadcelinayo Madaxweynaha Puntland oo soo gelshay Saaxada Siyaasada Puntland isagoo ku tilmaamay Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada iyo Madaxda Puntland dad aan la hilmaami Karin oo ay wada shaqayn wacan soo dhex martay, wuxuu bisle sheegay in Wasaaradiisu ay wada shaqayn buuxda la lahayd Wasaaradaha kale ee Puntland 3dii Sano ee uu Xilka hayayna aysan jirin Wasaarad ay is qilaafeen ama muran uu soo kala dhexgalay marka laga reebo Xiliyada Qaar oo ay Mashaariicaha hormarineed ay soo dhacaan oo ay ku Tartamaan Wasaaradaha Kale inkastoo uu sheegay in taasina ay Xuduud u yeeleen.
Wasiirku wuxuu sheegay in aan hadal lagu soo koobi Karin Waxqabadka Wasaarada inta uu joogay wuxuuna ku Wareejiyay Waraaqihii Xilwareejinta Wasiiru- Dowlaha Wasaarada Qorshaynta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuuna cadeeyey in Wasaaradu ay sii socondoonto uuna uga tagay Tiirar Culus oo shaqada sii wadi doona.
Xilwareejintaasi oo ay kasoo qayb galeen inta badan Wasiirada Puntland iyo Madax kale ayaa masuuliyiintii halkaasi ka hadashay waxay qireen in Wasiir Bisle uu ahaa Masuul ku firfircoon hawshiisa waxwalbana ka hormariya Waajibaadka Qaranka waxayna xuseen in lagatabi doono Booskii uu faarujiyay Wasiirku.
Daa’uud Maxamed Cumar (Bisle) oo mudo 3sano iyo 10 maalin Wasiir ka ahaa Wasaarada Qorshaynta Puntland ayaa inkastoo uusan isagu carabaabin xilka uu u qabanayo Dowlada Federaalka hadana waxay wararku sheegayaan in Laga dhigi doono Safiir qaasatan Dalka China, intuusan xilkan wareejin ka hor ayuu codsi u gudbistay madaxweyne faroole ee ah in uu Xilka Wasaarada Wareejiyo kuna Biiro Dowlada Federaalka iyadoo codsigaasna uu aqbalay Madaxweynuhu, Mudane Daa’uud wuxuu ka mid ahaa Wasiirada uu ku dhaarto Madaxweyne faroole ee Xukuumadiisa ka mid ah waxaana lagu xasuusan doonaa, sida ay dadku sheegayaan, Daacadnimo, Hawlkarnimo, iyo Dadka oo uu dhex-dhexaad u ahaado.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.