Muqdisho(RBC Radio) Qabanqaabada aaska Alla ha u naxariistee Marxuum Cismaan Xasan cali Caato oo shalay galinkii danbe ku geeriyooday hoyga uu ka daganaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa saaka ka socota magaalada Muqdisho,Meydka Marxuumka ayaa xiligan yaalla Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah ehelada Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato ayaa inoo sheegay in Salaadda Janaasadaha lagula tukanayo gudaha Cisbitaalka Madiina,waxaana lagu wadaa iney halkaa goordhow gaaraan masuuliyiin ka socota dowlada,Siyaasiyiin,odayaal dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada oo ka qaybgali doona aaska Alla ha u naxariistee Cismaan caato.
Meydka Marxuum Cismaan Xasan Cali Caato ayaa marka lagu tukado Salaadda Janaasada waxaa lagu wadaa in loo qaado Degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu aasi doono.
Cismaan Xasan Cali Caato oo shalay galinkii danbe ku geeriyooday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka tacsiyeeyey geeridiisa,dad fara badan oo ay ka mid yihiin,wasiirka arimaha gudahaC /kariin Xuseen Guuleed,Xuseen Maxamed Faarax Caydiid,Madaxweynaha Galmudug Jen.Cabdi Qaybdiid,Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin kale,waxayna Alle uga baryeen inuu naxariistiisa siiyo eheladii uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo,INAA LLILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho