Muqdisho(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weeraradii qaraxyada ahaa ee habeen hore ka dhacay meelo badan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir,afhayeenka dhanka hawlgallada alshabaab SH C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinka ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii qaraxyada ahaa ee Muqdisho ka dhacay habeen hore.
Abu Muscab ayaa sheegay in weeraradaas ay qaadeen rag si gaara u tababaran oo ka tirsan alshabaab,wuxuuna tilmaamay iney gaarayeen ilaa 21 Weerar,Abu Muscab ayaa sheegay in 20 kamid ah ay ahaayeen qaraxyo lagu qaaday fariisimo muhim ah oo ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in weerarka 21aad uu ahaa Duqayn ay u adeegsadeen Madaafiic.
Wuxuuna tibaaxay iney gantaaladaas la dheceen Garoonka ciyaaraha Kubadda Cagta ee Istaadiyow Muqdisho(Isbartiibo) oo ay fariisin weyn ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,wuxuuna xusay iney ku rideen ilaa 8 Madfac oo uu sheegay iney la heleen halkii uu bartilmaameedku ahaa sida uu hadalka u dhigay.
Abu Muscab ayaa dhanka kale sheegay iney Baydhabo ka fuliyeen 3 weerar oo mid ka mid ah uu ahaa dagaal toos ah oo ay ku qaadeen ciidanka Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM,wuxuuna sheegay iney halkaas khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamadii ay weerarka ku qaadeen,afhayeenka hawlgalada ee alshabaab ayaa sidoo kale sheegay iney dagaal ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha hoose.
Wuxuuna sheegay in dhammaan weeraradaas ay khasaaro ba’an ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,balse ma uusan sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha gaaray dowladda iyo AMISOM sida u sheegtay,alshabaab ayaa inta badan guulo ka sheegto dagaal ay la galaan ciidamada dowlada iyo kuwa nabad ilaalinta ee taageeraya.
RBC Radio