Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan SH Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dacaayadaha magaalada Kismaayo,madaxweynaha oo warbaahinta la hadlayey xili uu kasoo laabtay shirkii Kampala ugu soo dhammaaday madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga waantoobo dacaayadaha iyo wararka aan saxda ahayn ee laga sheego magaalada Kismaayo sida uu sheegay.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa sheegay iney tahay arin aan la ogolaan karin in magaalada Kismaayo laga sheego waxa uu ku tilmaamay dacaayado iyo warar aan sax ahayn,madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaqiiqdu ay tahay in shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo inaan lagu qasbi karin wax aysan raali ka ahayn.
“Mashaakilku dibada ma jiro ee waa dhexdeena,dowladu waxay ku dadaaleysaa awood siinta dadka shacabka ah,shacabka Soomaaliyeed dhibaato hor leh uma baahna,mana jirto cid si gaara loo faquuqayo ama ay dowladdu dhibaato ku tahay”ayuu yiri madaxweyne Xasan SH Maxamuud.
“Dowladu waxay masuul ka tahay xalinta dhibaatada jirta,ee maha siyaasada dowladda in qolo cusub laga xanaajiyo,go’aanada shirka Kampala waa guul idiin soo wada hoyatay”ayuu hadalkiisa kusii diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan SH Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday ineysan waxba soo kordhineen is riix-riix iyo dacaayado aan sax ahayn,balse arinta lagama maarmaanka ah ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka tashadaan aayahooda,wuxuuna daboolka ka qaaday in dowladiisu ay diyaar u tahay in cid walba la hadasho si loo gaaro midnimada ummadda Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho