Gaalkacyo[RBC Radio]Maamulka gobolka Mudug ayaa maantey qaadey talaabo ku dayasho muddan,kadib markii maantey muddo sacaacado ah ay la soo qaaten caruurtii ay ka geeryooden labo wariye oo muddo ka shaqeeyn jirey gobolka Mudug.
Maamulka gobolka ayaa awlaadda ay ka tageen wariyayaashii kala ahaa Farxaan Jeemis C/dulle iyo Liibaan C/laahi Faarax (Qaran) oo horay loogu dilay Gaalkacyo waxay ugu deeqen dhar ay ku ciidaan caruurtii.
Caruurtan agoontaa ee uu maamulku ugu deeqay dharkii ay farxadda waalidkooda kala qayb qaadan lahaayeen ayaa ahaa 11 caruur ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho kuwaasoo ay kala dhaleen labadaas marxuum.
Munaasabadd kooban ayaa loo qabtey wareejintii agabka ciida waxaana ka qeyb galay guddoomiyaha gobolka Mudug,madaxdda idaacadaha gobolka iyo qaar ka mida ehelada marxuumiintii dhalay caruurtani.
Maxamed Yuusuf Jaamac “Tiigey”guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa hadal uu jeediyey kadib markii uu ku wareejiyey agabka ciida caruurta labada saxaafi ee geeryoodey waxaa uu baaq u direy ganacsatada iyo dhamanba bulshada Soomaaliyeed inay gargaaraan ubadka ay ka tageen saxafiyiintii u shaqaynayay dalka dadka.
…”"”Saxaafiyiinta waxaa ay ahyeen kuwo u shaqaynayay dalka iyo dadka,marka waa muhiim inan dib ugu ogaano awlaadi ay ka tageen oo an marwalba ka warheyna waxaa ay ku beryeen iyo sida ay xaaladdodu tahay,waxan ugu baaqaya ganacsatada iyo dhamanba bulshada Soomaaliyeed ku booriyay inay gargaaraan ubadka ay ka tageen saxafiyiintii…”"“ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Tiigey.
Gudoomiye Tigey, ayaa dhanka kale saxafiyiinta Soomaaliyeed wuxuu ka codsaday inaan la illaawin doorkii ay ka baxeen saaxiibadood, isla markaana ay ka warhayaan dadkii ay ka tageen.
Sidoo kale waxaa isna hadal ka jeediyey munaasabadda agaasimaha radio Daljir xarunteeda Gaalkacyo C/fitaax Cumar Geeddi waxaana uu hadalkiisa ku xoojiyey oo uu soo dhaweeyey fikir guddoomiyaha uu soo jeediyay oo ahaa in la sameeyo maalin maalmaha kale ka tilmaaman oo dhaqaale loo uruuriyo ubadkii iyo dadkii ay ka tageen saxafiyiinta la dilay.
Waxaa isna hadal mahadcelin ah jeediyey agaasimaha radio Gaalkacyo Cawil Maxamuud Cabdi,waxana uu hadalkiisa kusoo qadey in tilaabo ku dayasho mudan ay maantey ku dhaqaaqen maamulka gobolka Mudug,taasina ay tahay mid ay ku faraxsan yihiin.
Arrintaan ayaa noqoneysa tallaabadii ugu horaysay oo dhaqaale loogu uruuriyo Puntland ubad ay ka dhinteen saxafiyiin la dilay iyagoo ku gudo jira hawlahooda shaqo.
Intaa badan saaxafiyinta Soomaaliyed ee geeryootey ma jirto wax la iska weydiiyo ubadka ay dhaleen kuwaaso intooda badan ubaahan in lagacan qabto lana siiyo,waxbarasho,caafimaad iyo nolasha kale ee aasaasiga ah.
Sidoo kale ma jirto hay’add u xil saaran baahida ay tabayaan tiro caruur ah oo ay ka dhinteen saxaafiyin Soomaaliyed oo intooda badan awlaadooda an looga danbeen,lana kulma geerida aabayasho dhibaato badan oo dhanka nolasha ah.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo