Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH oo Muqdisho dib ugu soo noqday,kana warbixiyey shirkii Kampala lagu soo gabagabeeyey

$
0
0

xasaaaneyMuqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,waxaana gagida diyaaradaha kaga hortagay oo si weyn usoo dhaweeyey xubno ka kala socday labada gole ee dowladda oo uu ohrkacayey gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxa uu saxaafadda uga warbixiyey safarkii uu ku tagay magaalada Kampala iyo shirkii uu halkaa uga soo qaybgalay,Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaas si qota dheer loogu falanqeeyey Saddex qodob muhim ah sida uu sheegay madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in shirka looga wada hadlay qodobada kala ah,Xoojinta iyo dhisida ciidanka amniga dowladda federaalka Soomaaliya,sidii dowladda looga kaalmayn lahaa iney awoodeeda ku baahiso gobolada dalka iyo wada tashi guud maadaama uu dalku u gudbay marxalad cusub ,wuxuuna intaa raaciyey in dhammaan la isku raacay waxyaabihii kulanka looga wada hadlay.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday arimaha gobolada Jubooyinka,wuxuuna tilmaamay in qodobada kasoo baxay shirka Kampala ay ku yeesheen madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu dan u yahay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna xusay in si gaara ay maslaxad ugu tahay shacabka Jubooyinka.

“Wixii kasoo baxay shirka Kampala waa maslaxadda guud ee umadda Soomaaliyeed,waxayna maslaxad gaara u tahay bulshada ku dhaqan Jubooyinka,talada,ra’yiga iyo rabitaanka shacabka goboladaas ayaa lagu maamuli doonaa”ayuu yiri madaxweyne  Xasan SH.

Wuxuuna intaa ku daray in  maamulka ilaha dhaqaalaha iyo dhisida maamul goboleedka goboladaas ay tahay arin u taalla shacabka ku dhaqan deegaanadaas iney ka arinsadaan,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in dowladdu ay shacabka ku maamuli doonto rabitaankooda.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles