Boosaaso[RBC Radio] Wasiirka Dekeddaha Iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage ayaa si kulul uga hadlay been abuur lagu sameeyey Magaciisa iyo Sawir,kaas oo loo adeegsaday barta Facebook-ga.
Eng Siciid Maxamed Raage oo Saxaafada kula hadlay Xafiiskiisa Boosaaso ayaa sheegay in muddo ku dhawaad sanad ah lagu been abuurayey Magaciisa taasoo loo adeegsanayey barta bulshadu ku kulanto ee Facebook-ga.
Waxa uu tilmaamay in uusan marnaba ahayn qofka adeegsanaya Magaciisa iyo Sawirkiisa isla markaana weligiis uusan Isticmaalin aalada Facebook-ga.
…”” Waxaan Saxaafadda u sheegayaa Siciid Maxamed Raage,Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland malahan wax Facebook la yiraahdo….””ayuu yiri Eng Siciid Maxamed Raage….
Wasiirka Dekeddaha Iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland ayaa ka codsaday bulshada Soomaaliyeed ineysan marnaba qaadan Fikradaha uu Facebook-ga kusoo bandhigayo shakhsiga Magaciisa adeegsanaya.
….””Cid kasta oo aad ku aragtaan iney Magacayga ku qaraabanayaan.waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay Joogaan ka codsanayaa in aysan qaadan qofkaas waxa uu ku hadlaayo….””ayuu yiri.
Been abuur!!
Eng Siciid Maxamed Raage ayaa sheegaya in arrinta ugu weyn uu la yaabay ay ahayd markii uu arkay in barta Faceboo-ka ee lagu been abuurtay bulshada looga codsaday iney lacag u aruuriyaan Jubbaland taasoo lagu lifaaqay Akoonada lagu shubayo lacagta.
Wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay Eng Siciid Maxamed Raage lacagta la sheegay in loo aruurinayo Jubbaland isla markaana maba arag buu yiri qof lamid ah shakhsigaas oo weliba adeegsaday Lambarkiisa saxda ah ee Soomaaliya.
…””Waxaan arkay waayo dhaweyto kuwa leh lacag ku shuba halkaas oo Xisaabtaasi waxan ugu Uruurinayaa lacag Jubbaland,wax ka jira majiraan haddii la I heli karana waxan ka Codsanayaa wax la igala qabto qofkaas waxaas Isticmaalaya qaabkii loo heli lahaa…..””ayuu yiri.
Lambarkeyga Taleefoonka!!
Wasiirka Dekeddaha Iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in qofka Magacayga ku been abuuranaya uu weliba Isticmaalayo Lambarkeyga Taleefoonka gacanta oo ku qortay Facebook-ga.
….”” Waxaa kaga daran Lambarkaagu qoranayaa,waxaa layga helaa buu ku leeyahay lambarkaas,waa lambarkayga caadiga ah ee Soomaaliya marka weli nooc lamid ah ma arag….”””ayuu yiri.
Waan Habaaraya!!
….””Waa bil Ramadaane hadii ay naga deynwaayana waanu habaareynaa,Ilaahay kheyr masiiyo kuwa waxaas Isticmaalaya…””ayuu yiri.
Maahan oo kaliya Shakhsiyaadka magaca leh ee lagu been abuurto Magacyadooda dhanka Facebook-ga,dhawaan ayey ahayd in Fannaanada Qaranka Soomaaliya Maryan Mursal Ciise ayey sheegtay magaceeda lagu been abuurtay Facbook-ga.
________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com