Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo waxaa maantey dib ugu labtey qar ka mid ah dhaawacyadii Jubbaland ee kusoo dhaawacmey dagaaladii dhawaan ka dhacay Kismaayo,kuwaaso muddadan danbe lugu dabiibayey xarumaha caafimaadka ee Gaalkacyo.
Dhaawacyadaan ayaa kasoo baskoodey waxyeeladii ka soo gaartay dagaaladii Kismaayo, dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka gobolka Mudug ayaa si hagar la’aaned ula tacaaley caafimaadkoda iyo sidii ay caggahooda ugu istaagi lahaayen.
Bulshada iyo maamulka Puntland ayaa muddadi ay dhaawacyadan joogen waxaa ay ku wajaheen soo dhaween diirran.
30-ka mid ahaa dhaawacyada ayaa maantey diyaaradi ka duulisey garoonka diyaaradaha ee magaaladda Gaalkacyo C/laahi Yuusuf,maalinkii shaley ayaa waxaa ciidamadani Jubbaland Puntland u qaybisay dirayska ciidanka, waxaana shalay galab xalfad sagootin ah u sameeyay bahdii caafimaadka ee hawshooda gacanta ku hayay.
Ciidamadaan ayaa xiligii ay ka baxayeen garoonka diyaaradaha waxaa ay ku labisnaayen dirayska ciidanka,iyagoona ay ka muuqatey wajiyadooda farxad iyo rey reyn.
Wafti uu horsocdo guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sii sagootiyey dhawaacyadan iyagoona geeyey garoonka diyaaradaha oo ay diyaar ugu ahyed diyaarda qaas ah oo dhawaacyadan loogu tala galey.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tiigey” oo garoonka gudihiisa askartaasi kula hadley ayaa ku booriyay inay u shaqeeyaan Soomaalinimo iyo walaaltinimo ayna ka fogaadaan wax walboo kala qubqubaya.
…”"”Waxaan idin kula dar darmeyna inad noqotaan kuwo utaagan Soomaalinimo iyo walaaltinimo ayna ka fogaadaan wax walboo kala qubqubaya,qofka dhib ugeesta qof Soomaaliyed waa inan kuma salna qof dhib ugeestey Soomaalidoo dhan,waa inan ka shaqeena midnimada Soomaaliyed…”"”ayuu yiri guddoomiye Tiigey.
Sidoo kale isna waxaa warbaahinta lahadley mid ka mida xubnihii dhaawacyadan Kismaayo ka keenay,waxanaa ugu horen hadalkiisa uu ugu mahadcelin ballaaran ugu soo jeediyey shacabka, madaxda Puntland iyo bahda caafimaadka gobolka Mudug.
…”"”Waxaa si weyn ugu mahadcelineyna shacabka iyo madaxda Puntland yar iyo weyn sida waxaan kalo umahadcelinayna bahda caafimaadka ee gobolka waxana ay noo garqabten si hagar la’aaned,wanagsan ee ay noo soo dhaweeyen,waxana kala kulaney wanag badan iyo soo dhaweyn walaaltinimo…”"”ayuu yiri xubinta u hadashey dhaawacyada.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa kusoo qadey inay ad uga xunyihiin wixii Kismaayo ka dhacay oo uu sheegey inay dhinacyadii dagaalameey ay ahaayen dad wada dhashey,waxana uu baaq ku direy in nabada laga shaqeyo maadamada uu sheegey inay nabad ku deeqdo.
Dhinaca kale waxaa uu ka hadley xubintaan u hadashey waftigii Gaalkacyo maantey ka ka xeeyey dhaawacyadii lugu dabiibayey uujedka Puntland ay u gurabtagan tahay ay tahay inay ka shaqeeyan hanankii sharciga ahaa ee faderalisimka oo dalka uu qatey.
…”"”Puntland waxaa marwalba garab tagantahay faderalisimka oo ah qodob sharci ah oo dalku qaatey,waana qorsha ay xiligaan nogarabtagan tahay ee la isweydinayo…”"”ayuu yiri.
Si kasto ay ahaataba wali xarumaha caafimaadka ee magaaladda Gaalkacyo waxaa ku harey dhaawacyo kale oo lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo