Beledweyne(RBC Radio) Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta ku fulisa dil toogasho ah gacan kudhiigle hore magaalada Beledweyne ugu dilay nabadoon si wayn looga yaqaanay gobolka Hiiraan.
Xukunka dilka ah ay maxkamadu ku fulisay Muqtaar Xasan Maxamed ayaa maanta kadhacay meeel fagaare ah oo kutaal magaalada Beledweyne,maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa hore xukun dil ah ugu riday gacan ku dhiiiglahaasi
Afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida G/sare C/llaahi Muuse Kayse ayaa warbaahinta uga warbixiyay xukunka ay maxkamadu kuriday eedeysanaha iyo dilka ay maanta kufulisay, Afhayeenka ayaa sheegay in maanta ay maxkamadu fulisay xukunkii dilka ahaa ee ay ku riday Muqtaar Xasan Maxamed
C/llaahi Muuse Kayse ayaa tilmaamay in eedeeysanuhu uu katirsanaa alshabaab magaciisana waxa uu ku sheegay Muqtaar Xasan Mxamed oo 18jir ahaa ina Xaawo Macalin isaaq kuna dhashay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay eedeysanaha waxaa lasoo qabtay 17ka bishii 1aad ee sanadkii .2012ka,kadib markii uu dil badheedh ah u geystay Allaha unaxariistee Muxumud Xasan Cabdi oo loo yaqaanay Marya-cadde gudoomiyihii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
G/sare C/llaahi muuse keeyse oo hadalkiisa sii wato ayaa tilmaamay in eedeysanuhu uu faahfaahiyay sababta uu udilay marxuunka wuxuuna sheegay in abaabulka iyo amarka uu ku dilay marxuun Marya-cadde uu lahaa sarkaal katirsan alshabaab oo lagu magacaabo Maxamed Xasan iyo cabdi C/casiis Maxamed oo uu sheegay in uu ufarmuqay marxuunka uu dilay sida uu sheegay afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho