Muqdisho(RBC Radio) Saraakiisha Caafimaadka Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey dhaawacyadii la gaarsiiyey Cisbitaalkaas saacadihii u danbeeyey,Madaxa Caafimaad Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Duniyo Cali Maxamed ayaa sheegay iney Cisbitaalka soo gaareen dhaawacyo fara badan saacadihii lasoo dhaafay.
Madaxa Caafimaad Cisbitaal Madiin ayaa sheegtay in 24kii saac ee u danbeeyey ay Cisbitaalka soo gaareen bukaano gaaraya 41 ruux oo badankoodu qabay dhaawacyo rasaas iyo qaraxyo,waxayna tilmaantay iney Cisbitaalka ku geeriyootay haweeney Uur Lahayd oo kusoo dhaawacantay qaraxyadii xalay gilgilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Duniyo Cali Maxamed ayaa tibaaxday in Dhaqaatiirta Cisbitaalka Madiina ay la tacaalayaan daweynta Bukaanada dhaawacyada qaba ee Cisbitaalka la gaarsiiyey,waxayna sidoo kale xustay iney jiraan Bukaanada qaarkood oo danyar ah kuwaas oo aan iska bixin karin tasiilaadka Cisbitaalka in masuuliyiinta Cisbitaalku ay adeeg caafimaad u fidiyeen.
Qaraxyo,Madaafiic iyo rasaas xalay ka dhacday meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad badan oo rayid ah,dhaawacyada dadka ku waxyeeloobay qaraxyada ayaa lagu dabiibayaa Cisbitaalada magaalada Muqdisho.
Cisbitaalka Madiina ayaa ka mid ah Cisbitaalada inta badan la gaarsiiyo dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxyada iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho