Muqdisho(RBC Radio) Gudiga arimaha gudaha,amniga iyo maamul samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan uu ku yeeshay magaalada Muqdisho waxa uu diirada ku saaray xaaladaha amni xumo ee kusii kordhaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha,amniga iyo maamul samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay uga wada hadleen kulanka ay gudigoodu ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Gudoomiye ku xigeenka gudiga ayaa sheegay in kulankooda ay kaga arinsadeen amnida darrada kusii baahaysa magaalada Muqdisho,Xildhibaan Daahir Amiin ayaa sheegay in amniga Muqdisho in meeshii laga rabay inuu soo hagaago inuu kasii darayo,wuxuuna xusay in arimahaas uu il weyn ka saaran yahay gudigooda.
Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay iney saraakiisha ciidamada nabad sugida iyo booliska iyo wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ay kala xaajoon doonaan amni la’aanta ka jirta magaalada Muqdisho,wuxuuna xusay iney doonayaan iney laamaha amniga ku kordhiyaan qibrado iyo xeelado uu sheegay iney aaminsan yihiin iney wax badan ka bedeli doonaan xaaladaha amni ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in su’aalo badan la iska weydiin doono sababta ay laamaha amnigu ula imaan waayeen qorshayaal dhab ah oo wax looga qaban karo xaqiijinta amniga Muqdisho,wuxuuna carrabka ku dhuftay iney la xisaabtami doonaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho