Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka baaritaano ka wada qaybo kala duwan oo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,halgalkan ay saaka samaynayaan ciidamada dowladda ayaa ka danbeeyey kadib markii habeenimadii xalay ay magaalada ka dheceen qaraxyo bambaano,Miinooyin iyo Madaafiicda Hoobiyaha lagu diray degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada dowladda ayaa saaka lasoo buuxdhaafiyey wadooyin muhim ah oo ku yaal Muqdisho,ciidanka ayaa baaritaano ka wada wadada Maka al-mukarama,waxaana lasoo sheegayaa in ciidamadi ay gaadiidka joojinayaa kadibne ay kala dagayaan rakaabka saara.
Ciidanka ayaa la tilmaamayaa in goobaha qaar u diidayaan gaadiidka,dareenka shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa xalay marqura isbedelay kadib markii ay dhegaha dadka reer Muqdisho kusoo dheceen daryanka madaafic iyo qaraxyo xiriir ah oo lagu qaaday inta badan degmooyinka gobolka Banaadir oo ay mudo dheer ugu danbaysay,taasoo shacabka ku abuurtay cabsi iyo wel wel,balse xaalada magaalada ayaa saaka aad u dagan dadkune waxay hadal hayaan wixii xalay magaalada ka dhacay.
Laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaan ilaa hadda wax faah faahin ah ka bixin qaraxyadii xalay magaalada Gilgilay,walina lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxyadaas iyo duqaynta ka dhacday magaalada,balse wararka aan ka heleyno cisbitaalada magaalada ayaa sheegaya in la gaarsiiyey dad kusoo dhaawacmay qaraxyadii xalay Muqdisho ka dhacay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho