Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dad iyo hub ay kusoo qabqabteen hawlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen

$
0
0

astaanta booliska 2Muqdisho(RBC Radio) taliska booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kusoo bandhigay dad iyo hub ay  sheegeen iney qayb ka ahaayeen falalka amni xumo ee magaalada kajira kuwaas oo ay kusoo  qabqabteen hawlgallo ay Todobaadyadii u danbeeyey ka samaynayeen degmooyinka kala duwan ee  magaalada Muqdisho.

Warbaahinta ayaa waxaa loo soo bandhigay 9 ruux oo mid ka mid ah ay ahayd haweeney,Hub ka koobnaa bambaanooyinka gacanta iyo Miinooyinka dhulka lagaliyo oo aan wali qarxin,saraakiisha booliska ayaa sheegay in dadka ay maanta soo bandhigeen ay kamid ahaayeen dadka falalka lidiga ku ah amniga Muqdisho ka waday.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed  Jen. Maxamed Cumar Madaale ayaa Saxaafadda uga warbixiyey hawlgallo xiriir ah oo ay ciidamadu samaynayeen laga soo bilaabo 21kii bishii ina dhaaftay ilaa iyo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 4ta bisha August,wuxuuna tilmaamay in ciidamada booliska ay ka hortageen falal badan oo la damacsanaa in Muqdisho laga fuliyo.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/G C/xakiin Daahir Cilmi ayaa goobta ka sheegay in ciidamada booliska ay baajiyeen qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo alshabaab ay damacsanaayeen iney Muqdisho ka fuliyaan,wuxuuna tilmaamay in ciidamada ay soo saareen Miinooyin aan qarxin  la galiyey wadooyinka magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa dhanka kale soo hadal qaaday siyaasiyiin uu sheegay iney ku hawlan yihiin carqaladeynta amniga magaalada Muqdisho iyaga oo ku raadsanaya Mansab siyaasadeed sida uu hadalka u dhigay,balse taliyaha ayaan carrabaabin magacyada Siyaasiyiintaas,wuxuuse ku gaabsaday iney warbaahinta usoo bandhigidoonaan marka ay soo gabagabeeyaan hawlgallo uu ku tilmaamay deg deg oo ay ku baacsanayaan dadka uu sheegay iney xasilooni la’aanta ka wadaan  magaalada Muqdisho.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles