Muqdisho[RBC Radio]Maamulka degmada Caabduwaaq ee waqooqiyiga gobolka Gal-guduud ayaa ka warbixiyey shirar iyo kulamo ay la qaaten masuuliyin ka tirsan dowladda faderalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Axmed Jaamac Dhirif ayaa sheegey inay la kulmeen xubno ka tirsan dowladda ayna kala hadleen arrimo la xiriira hormarinta degmada.
Axmed Jaamac Dhirif oo kusugan Muqdisho ayaa tilmaamey in kulamadooda ay la qaadanayan ujeedkodu uu ahaa sidii dowladda faderalka Soomaaliya ay ula shaqen lahed maamulka,waxana uu inta ku darey in masuul kasta oo ay is arkan ay uga waramayen baahida ka jirta deegaanka ay ka soo tageen.
…”"”Waxaan kulamo la qadaney madax ka tirsan dowladda,markan gaarney Muqdisho u jeedkenuna waxaa uu ahaa sidii dowladda Soomaaliya ay wax uga ogaan laheed xaaladda ka jirta degmada Caabudwaaq iyo deegaanada hoostaga anagoona usoo bandhigeney baahiyaha ka jira deegaanka…”"”ayuu yiri guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Axmed Jaamac Dhirif ayaa sheegey in xubnaha dolwadda ka tirsan ee ay sida qaaska ah ula kulmeen inay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo saraakiil kale oo katirsan nabad sugida.
…”"”Waxan si gaar ah ula shirnay muddo isku xig xigta wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo saraakiil kale oo katirsan nabad sugida,waxana kala hadleyney ammaanka deegaanada an kasoo tagney iyo baahida loo qabo adeegyada amni ee dowladda oo ay ka mid yihiin boolis…”"“ayuu yiri Dhirif.
Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegey in dhamaanba madaxdii ay is arken ay ka heleen balan qadyo ku aadan baahiyaha ay soo bandhigeen,waxana uu rajo ka muujiyey in dowladda ay soo dhamestiri doonto baahida ay xiligaan tabanayaan maamulkooda.
Guddoomiyaha ugu danbeenti waxaa uu sheegey in intaa ay ku sugun yihiin Muqdisho ay sii wadi doonan kulamada ay la qadanayan masuuliyinta dowladda faderalka Soomaaliya.
Caabduwaaq waxaa ay ka mid ahyed deegaano dhor ah oo katirsana gobolkaasi ee uu R/wasaaraha Soomaaliya socdal mar sii horeysey uu ku tagey isagoona balan qadyo horumarined hordhigey maamulada deegaanada uu tagey.
______________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo