Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhiilo Colaadeed oo u dhaxaysa alshabaab iyo ahlu sunna oo laga soo sheegayo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud

$
0
0

raxGalgaduud(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in deegaano ka tirsan gobolkaas laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan iyo xiisado colaadeed oo ay wadaan alshabaab iyo maamulka ahlu sunna ee ka arimiya deegaanada ka tirsan gobolkaas.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka Ceelgaras ee gobolkaas ciidamoi si aad ah u hubaysan oo ka tirsan alshabaab ayaa gaaray deegaankaas,ciidanka alshabaab ayaa lasoo sheegayaa iney xalay habeenimadii ka gudbeen degmada Ceelbuur oo ay ku leeyihiin fariisin muhim ah,waxaana la tilmaamay in ciidankaasi ay saaka gaareen deegaanka ceelgaras.

Afhayeenka ciidamada alshabaab ee gobolada dhexe oo la hadlayey idaacad ku hadasha afka alshabaab oo ku taala degmada Ceelbuur ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka alshabaab ee gaaray deegaanka ceelgaras ay duulaan ku yihiin deegaano ay ka mid yihiin degmada Dhuusamareeb iyo deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay xiligan gacanta ku hayaan culima udiinka ahlu sunna waljamaac.

Dhanka kale magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan iyo diyaar garow dagaal oo ay wadaan ciidamada ahlu sunna si ay uga hortagaan duulaanka kaga soo wajahan alshabaab.

Alshabaab iyo ahlu sunna ayaa waxaa gobolka Galgaduud ku dhexmaray dagaalo soo noqnoqday,dhanka ahlu sunna ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhiilada colaadeed ee ka taagan deegaanada ay ka maamulaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles