Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Madaxweyne Yoweri Museveni (Sawirro)

$
0
0

Mussaven and Hassani

Kampala, 04 August 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa xalay kulan dheer la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni. Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kampala ayaa labada madaxweyne waxey ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kulanka ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Fowzia Haji Yusuf Adam, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Farah Abdulkadir, Safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha AMISOM, shirka maanta ka furmaya Kampala oo ay madaxda dowladaha ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya ay isagu imanayaan iyo guud ahaan arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Museveni sidii diiraneed ee loogu soo dhoweeyey Kampala iyo qabanqaabada shirkan muhiimka u ah Soomaaliya. Madaxweyna Xasan ayaa sidii kale warbixin kooban ka siiyey dhigiisa horumarka baaxadda leh ee ay dowladdu ku tallaabsatay 11kii bilood ee la soo dhaafay, kana codsaday Museveni sidii ciidanka Soomaaliyeed loogu heli lahaa tasiilaadkii ay u baahnaayeen si ay ugu sahlanaato inay amniga dalka hantaan.

Madaxweynaha ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeedin doono shirka oo uu uga mahadcelinayo waddamada ciidamada u soo direy Soomaaliya oo dhiigooda iyo maalkooda u huray sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd dal nabad ah. Madaxweynahu waxuu ka warbixin doonaa horumarka ballaaran oo ay dowladdu ku tallaabsatay gaar ahaan dhanka dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab, tababaradda joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya, iyo dib u habeynta socota ee hay’adaha amniga.

Madaxweynahu waxuu Kampala ku joogaa booqasho labo cisho ah oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa mas’uuliyiinta dalalka kale ee ka soo qeybgali doona shirka burrito ah.

Mussaveni

- DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), ?Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President, ?yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com +252 615 479911 or +252 699 998854 Twitter – @thevillasomalia – Facebook – The Villa Somalia (State House of Somalia)

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles