Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka degmada Hobyo oo sheegay iney ku hawlan yihiin qaboojinta xiisado colaadeed oo ka taagan magaaladaasi

$
0
0

hobyoHobyo(RBC Radio) Maamulka magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay iney ku hawlan yihiin sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisado colaadeed oo maalmahan danbe ka taagnaa degmada Hobyo iyo deegaanada hoos yimaada,xiisadaha ayuu maamulku sheegay iney ka dhasheen dil dhawaan bartamaha magaalada Hobyo ay koox hubaysan ugu geysatay taliyihii booliska Hobyo Alla ha u naxariistee Cabdiwali Xuseen Xasan oo Farabadan ku magac dheeraa.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Xuseen salaad Wehliye ayaa sheegay in maamulkiisu uu dadaal fara badan ugu jiro sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka dhalatay dilka taliyaha,wuxuuna tilmaamay in maalmahan danbe ay socdeen dhiilooyin colaadeed oo deegaanka laga dareemayey balse uu maamulkiisu u istaagay sidii loo xakamayn lahaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay iney marar badan isku dayeen dhamaynta xiisadaas balse aysan ku guuleysan,wuxuuna tilmaamay in maamulka oo kaashanaya waxgaradka deegaanka ay ku hawlan yihiin sidii ay usoo afjari lahaayeen xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya dadka deegaanka.

Wuxuuna intaa ku daray iney ku rajo weyn yihiin in xal waara laga gaaro dhibaatadaasi sila markaane laga heshiiyo dilka taliyihii booliska magaalada Hobyo,taliyaha ayaa waxa uu ku dhintay xili uu ku guda jiray hawlgal uu ku doonayey inuu kusoo qabto koox burcad ah,israsaasayn dhexmartay ciidankii uu watay iyo kooxdii hubaysneed ayaa sababtay dhimashada taliyaha.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles