Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maxkamada ciidanka qalabka sida oo digniin culus u dirtay dadka ku hawlan Qalqal galinta amniga magaalada Muqdisho

$
0
0

muungaab 1Muqdisho(RBC Radio) Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa digniin culusu u dirtay dadka ku hawlan falalka lidiga ku ah nabadgalyada magaalada Muqdisho,afhayeenka maxkamada ciidanka qlabaka sida C/llaahi Maxamed Muuse Kayse oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in maxkamadu ay gacan bir ah ku qaban doonto dadka ku hawlan amni xumada ka jirta magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa wacad ku maray in cidii lagu qabto iyada oo faraha kula jirto dhibaato ay la kulmi doonto ciqaab adag,wuxuuna ku goodiyey iney si dhab ah ula xisaabtami doonaan dadka wada dhibaatada hadii ay ahaan lahaayeen alshabaab ama xitaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

” hadii ay alshabaab yihiin ama ay ciidan dowladeed yihiin cid walba oo dhibaato wada waxaan leeyahay ka fogaada inta ay goori goor tahay,gacan bir ah ayaan idinku qaban doonaan sharcigane kama baxsan doontiin” ayuu yiri afhayeenka maxkamada ciidanka qalabka sida C/llaahi Maxamed Muuse Kayse.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in dadka caadeystay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed aan loo dulqaadan doonin shacabkane laga qaban doono dhibaatadooda,wuxuuna ku celceliyey sida ay maxkamada uga go’an tahay la xisaabtanka dadka amni xumada ka wada magaalada Muqdisho.

Hadalka kasoo baxay masuuliyiinta maxkamada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmay xilli ay maxkamadu shalay riday xukun dil ah oo lagu riday ninkii masuulka ka ahaa dilkii Wariye Xasan Yuusuf Absuge iyo sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta kaasoo xarig 8 sano ah lagu xukumay kadib markii lagu helay inuu isku dayey inuu xabsiga dhexe kasii daayo rag alshabaab ah sida ay maxkamadu sheegtay.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles