Addis Ababa(RBC Radio) Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Ethiopia iyo ururka Midowga Afrika Siciid Yuusuf Nuur oo hada loo bedelay Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa waxaa qasriga madaxtooyada dalka Ethiopia loogu dhigay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu sagootinayey Safiirka.
Siciid Yuusuf Nuur oo muddo 6 sano ah ahaa safiirka Soomaaliya u qaabilsanaa dalka Ethiopia iyo ururka Midowga Afrika oo dhawaan loo bedelay dalka Tanzania ayaa sheegay in madaxda ugu saraysa dalka Ethiopia ay u dhigeen xaflad weyn oo ay ku sagootinayeen,Danjire Siciid Yuusuf Nuur ayaa uga mahad celiyey madaxda dalka Ethiopia oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalkaas sida haboon ee ay ula shaqeeyeen intii uu safiirka ka ahaa dalkaas iyo sida wanaagsan ee ay u sagootiyeen.
Danjiraha ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabihii u qabsoomay intii uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia wuxuuna tilmaamay iney si weyn uga shaqeeya xiriirka labada dal,Danjire Siciid Yuusuf ayaa tilmaamay iney taariikhdu xusi doonto hawshii adkeed ee uu ka qabtay safaarada Soomaaliya intii uu hawsha gacanta ku hayey.
Wuxuuna dhanka kale tilmaamay inuu wax badan ka qabtay hormarinta Siyaasada dowlada Soomaaliya ee ururka Midowga Afrika,isagoona tilmaamay inuu Midowga Afrika ka dhaadhiciyey kordhinta ciidanka AMISOM sida uu sheegay iyo taageerida dowladda.
Danjire Siciid Yuusuf Nuur oo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia iyo Midowga Afrika ayaa waxaa dhawaan loo bedelay dalka Tanzania oo uu ka noqon doono Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaas,wuxuuna daboolka ka qaaday inuu wax badan u qaban doono maxaabiista faraha badan ee ku jira xabsiyada dalkaas marka uu la wareego masuuliyadda shaqada Safaarada Soomaaliya ee dalkaas.
Danjire Siciid Yuusuf Nuur ayaa waxaa ka bedeli doono shaqadii uu dalka Ethiopia ka hayey Danjire Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo dhawaan loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Ethiopia.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho