Muqdisho(RBC Radio) Kulan ballaaran oo looga hadlayey amniga magaalada Muqdisho oo uu ka qaybgaleen R/wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid,xubno ka tirsan golihiisa wasiirada,xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Kulanka oo gaaray xalay waqti danbe ayaa waxaa lagu falanqeeyey sida ugu haboon ee wax looga qaban karo amni xumada ka jirta magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,R/wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in amniga magaaladu uu yahay arin u baahan in xil weyn la iska saaro.
“Soomaaliya oo dhan ayuu amnigeedu welwel inagu hayaa laakiin caawa waxaan ka hadlaynaa amniga Muqdisho,amniga Muqdisho waxaa ka jira dhibaatooyin,waxaan shacabka la qaybsanaynaa welwelka amni darada magaalada,Bishan Barakaysan ee Ramadaan waxaan la kulanay qaraxyo badan taas macnaheeda maaha in laga gaabiyey sugida amniga”ayuu yiri R/wasaare Saacid.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa markii uu kulanku soo gabagaboobay waxa uu kormeer ku tagay qaar kamid ah wadooyinka muhimka ah ee magaalada Muqdisho oo ay ilaalo ka hayeen ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in amniga magaalada Muqdisho wax badan laga qaban doono,balse arintaas ayaan noqon mid hirgasha waxaana sii kordhaya falalka amni xumo ee magaalada ka dhacay, qaar kamid ah shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa aaminsan in dowladdu aysan sidii la rabay u abbaarin sugida amniga magaalada taasine ay keentay iney ku guuleysan weyso hanashada sugida amniga caasimadda Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho