Muqdisho(RBC Radio) Bukaanada ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ee caaismadda Soomaaliya ayaa waxaa fara ba’an ku haya Cudurka Dhimirka,Dr.C/raxmaan Xabeeb oo ah mulkiilaha Cisbitaalka lagu Xannaaneeyo dadka qaba Cudurada MAskaxda ayaa shaaca ka qaaday iney jiraan bukaano badan oo ku jira Xabsiga dhexe ee Xamar kuwaas oo sida uu sheegay la ildaran Cudurka Dhimirka.
Dr.C/raxmaan Xabeeb ayaa daboolka ka qaaday inuu indhihiisa kusoo arkay bukaano badan oo ku jira Xabsiga kuwaas oo la xanuunsanaya cudurkaas,Dr Xabeeb ayaa sheegay in dadkaasi ay u baahan yihiin in caafimaadkooda lala tacaalo,la iskuna hawlo sidii looga daaweyn lahaa cudurkaas.
Dr.Xabeeb ayaa tilmaamay iney jiraan Waalidiin badan oo Carruurtooda oo ku jira XAbsiga dhexe uu hayo Cudurka Dhimirka kuwaas oo isaga kasoo xiriiray,kana dalbaday inuu arimahaasi wax kala qabto,Dr. Xabeeb ayaa ugu baaqay madaxda ugu saraysa dalka iney si deg deg ah uga hadlaan dhibaatada xannuunkaasi uu ku hayo Maxaabiiska ku jira Xabsiga dhexe ee Xamar.
Dr.Xabeeb ayaa dhanka kale tilmaamay in Cisbitaalka Dhimirka ee uu masuulka ka yahay oo dhowr Xarumood muqdisho leh uu buux dhaafay ayna xiligan ku jiraan in ka badan Saddex boqol oo bukaan,wuxuuna intaa ku daray ineysan hayn meel ay kala geeyaan dadka qaba Cudurka Dhimirka ee lasoo gaarsiiyo xarumihiisa Caafimaad.
Maamulaha Cisbitaalka Dhimirka Dr.xabeeb ayaa tibaaxay in Cudurka Dhimirku uu dalka kusoo badanayo waayahan danbe,wuxuuna ku baaqay in loo baahan yahay si loo wada istaago sidii looga hortagi lahaa dhibaatada cudurkan.
RBC Radio
Muqdisho