Marka(RBC Radio) Maamulka magaalada Marka ee xarunta gobolka SHabeelaha hoose ayaa ka warbixiyey qaraxyo ka dhacay magaaladaasi iyo duleedkeeda,gudoomiyaha maamulka magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey waxyeelada ka dhalay qaraxyadaas.
Gudoomiyaha magaalada Marka ayaa sheegay in mid kamid ah qaraxyadaas ay dhibaato kasoo gaartay haweenka,wuxuuna sheegay inuu qaraxaasi ka dhacay duleedka magaalada Marka,wuxuuna tilmaamay in qaraxaas uu dhibaato gaarsiiyey 6 haween ah oo kusii jeeday magaalada Marka,gudoomiyaha ayaa xusay iney goobtaas ku nafwaayeen 2 haween ah mid kalane ay ku dhaawacan tahay.
Wuxuuna tilmaamay in qaraxu uu dhacay kadib markii Dumarkani ay isku dayeen iney ku Nastaan geed wadada qarkeeda ku yaal,Yariisow ayaa sheegay in qaraxu uu ku aasnaa geedka hoostiisa,wuxuuna ku eedeeyey masuuliyadda dhibaatadaas alshabaab oo uu sheegay iney iyagu qaraxa aaseen.
Maxamed Cismaan Yariisow gudoomiyaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa tibaaxay in intaa kadib uu maamulka oo kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay baaritaano ka sameeyeen gudaha magaalada iyo wadada xiriirisa Marka iyo deegaanka Shalaanbood,wuxuuna intaa ku daray iney goobahaas ka saareen Miinooyin badan oo la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed sida uu sheegay.
Gudoomiye Yariisow ayaa daboolka ka qaaday in hawlgalka baaritaanka ah ee ay sameeyeen ay ku guuleysteen iney qarxiyaan ilaa 8 Miino oo ku aasnaa wadada isku xirta Marka iyo Shalaanbood ee gobolka SHabeelaha hoose.
RBC Radio