Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynayaasha dalalka ay ciidamada ka joogan Soomaaliya oo kulan kuleh magaaladda Kampala

$
0
0
Magaaladda Kampala ee uu shirku ka furmayo

Magaaladda Kampala ee uu shirku ka furmayo

Kampala [RBC Radio]Sida uu xaqiijiyey James Mugume oo ah xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibada dalka Uganda waxaa lugu wada in dhawaan ay shir isugu yimaadan madaxweynayaasha dalalka ay ciidamadu ka joogan Soomaaliye ee lugu magacaabo AMISOM.

Shirkan oo ay isku arki doonan ilaa lix madaxweyne ayaa la sheegey in diirada luu saari doono howlaha nabadeenta ee ay AMISOM ka wado Soomaaliya iyo wax yaalihi uga sura galey mudaddii ay Soomaaliya AMISOM jogtey howlihi loo igmadey ee nabad sugida.

James Mugume xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibada dalka Uganda ayaa si cadd warbaahinta ugu sheegey in shirkaan uu yahay kii ugu horeyey ee ay isku arkaan madaxda wadamadda ay ciidamad ka joogan Soomaaliya kuwaaso uu sheegey inay wax iska weydin doonan waxa ay kusoo kor dhiyeen amniga Soomaaliya oo ah sida uu sheegey kan ay u yimaaden Soomaaliya.

James Mugume ayaa sidoo kale hadalkiisa kusoo qaadey in shirka arrimaha laga hadli doono ay ka mid tahay eedeymihii loo jeediyay ciidamada Kenya ee ku sugan magaaladda Kismaayo,kuwaaso lugu eedeyey inar garab siiyen dagaalo dhawan ka dhacay labadi dhinac dhinac ka mid ah.

…”"”Shirkaan  waxaa uu noqonaya kii ugu horeeyey ee ay isku arkaan madaxweynayaasha dalalka ciidamada ay ka joogan Soomaaliya,waxaa lugu wada shirkaan oo furmi doona Axada todobaddaka danbe in ay isugu yimaadan illaa lix madaxweyne kuwaaso ka arrinsanaya muddadii ay ciidamada ka joogen Soomaaliya waxaa ay ka badalen amniga,arrinta kale ee sida weyn lugu wado in laga hadlo ayaa ah eedeymihii loo jeediyay ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka…”"“ayuu yiri James Mugume.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibada dalka Uganda James Mugume ayaa sidoo kale sheegey in shirkaa looga hadlayo sidii ciidamada AMISOM ay ugu guulesan lahaayen ammaanka Soomaaliya oo uu sheegey inusan wali caggo ku fadhin.

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Jooga

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Jooga

…”"”Ammaanka Soomaaliya oo aysan wali ku guulesan ciidamada AMISOM ayaa loga hadlidoona shirka,AMISOM marka laga tago Muqdisho oo ay inteda badan sugeen amniga ayaa haddana waxaa la raba inay ku fidan goboladda dalka ayna sugan guud ahanba amniga goboladda Soomaaliya,taasi waa mida la isla soo qadi doona sida ay ku suragaleyso…”"”ayuu yiri James Mugume.

Shirkaan oo lugu wado inuu furmo todobaddaka na soo aadan ayaa la sheegey inuu shir guddoomin doono madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni,sida uu caddeyey James Mugume oo ah xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha dibada dalka Uganda.

Dalka Uganda ayaa ah dalka ay ciidamada ugu badan ka jooga Soomaaliya waxaa ay ahyeed dalkii ugu horeeyey ee Soomaaliya usoo dira ciidamo huwan magaca AMISOM.

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles