Garoowe (RBC RADIO) Qaar ka mid ah Wasiirada Puntland ayaa xalay soo bandhigay wax qabadkooda Wasaarad ahaaneed iyo wax yaabaha ay doonayaan Mustaqbalka dambe in uu u qabsoomo kadib markii ay qudbadu kala duwan Wasiiradaasi ka jeediyeen Xafladii lagu xusayay Munaasabada 1da Augost ee xalay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Garoowe Wasiiradaasina waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga,Caafimaadka,Waxbarashada,Qorshaynta,iyo Haweenka.
Wasiirka Amniga Puntland Mudane Khaliif Ciise Mudan oo hadalka ku horeeyey wuxuu sheegay in ay meel uga soo jeesteen la dagaalanka Argagixisada, Burcad,badeeda, Burcad beriga, Tahriibta wuxuu kaloo soo hadal qaaday Dagaalkii Qardho iyo shaqaaqooyinkii yaraa ee ka dhacay Gaalkacyo iyo Buuhoodle taasi oo uu ku tilmaamay min dan gaar ah laga lahaa dowladuna ay qaadatay Go’aankii loo baahnaa wuuse hadalkiisa sii raacshay wasiirku in Doorashooyinka lasii wadi doono oo aan halkaa looga hari doonin,Kama uusan tagin wasiirku Tababarada ay Wasaaradiisu u qabatay Shaqaalaha ka shaqeeya iyo sida hufan ee amniga guud ee dalka looga shaqeeyey siduu wasiirku yiri.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame ayaa dhankiisa sheegay in la ansixiyay Xeerar kala duwan oo uu ugu horeeyo ansixinta Siyaasada Caafimaadka, Meelmarinta Xeerka Caafimaadka, wasiirku waxuu kaloo cadeeyey in ay u qabsomeen Qodobada kala ah, waxaa wasaarada laga hawlgalshay 786 shaqaale ah oo tababar lasiiyay,Tirada Xarumaha Hooyooyinka iyo dhalaanka oo la Badiyay Guud ahaan Caafimaadka ka hirgelintiisa deegaanada Puntland oo lagu guuleystay, Bangiga dhexe ee dhiiga oo la sameyeey,Bakhaarada lagu kaydiyo Dawooyinka guud ee dalka oo la hirgeshay,Caruurtii oo lagala dagaalamay lagana talaalay cuduro kala duwan oo uu ugu horeeyo Cudurka Dabaysha iyo wax qabad kale oo muhiim ah sida uu Wasiirku hadalka u dhigay.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa dhankiisa sheegay in ay jiraan intii hawsha loo dhiibay in ay balaariyeen iSkuulada jaamacadaha koleejyada iyo goobaha kale ee wax lagu barto, in ay sare u qaadeen tirada Macalimiinta iskuulada wax ka dhiga oo dowladu ay lacagaha mushaarka siiso, waxaa la mideeyey Manaahiijta iyo Imtixaanaadka, in ka badan 550 arday ayaa deeq waxrasho u dirnay oo fursadaaa hada ka faa’iideystay hase ahaatee Wasiirku wuxuu sheegay in ay jiraan Caqabado kala duwan.
“ Waxaa caqabad nagu noqotay Dowladii hore ee kumeelgaarka ahayd oo is hortaagtay Arday deeq waxbarasho inooga helay Wadanka suudaan, caqabadaasina wali waa jirtaa waxaana masuul ka ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada iyo agaasimihiisii guud, dowlada hada dhisan ee Federaalka ahna wali wax cad arrintaasi kama keenin, Wasaarada Arimaha Bulshada wey isku dayday in ay arintaasi xaliso Waxaase wali hortaagan Masuuliyiinta Safaarada suudaan ee Somaliya, hadaba waxaa nasiib daro ah in la yiraahdo Ardayda Puntland Xamar Shahaado haka soo doonteen hadii kale tooda ayaan Carqaladeeneynaa, waxayse ilowsan yihiin in waxaasi aan maamul madax banaan ka sameesanay, hadii arintaan deg deg wax looga qaban waayo Talaabo ayaan qaadi doonnaa aan ku tilmaameyno inaan ka madaxbanaan nahay dowlada Federaalka dhanka Waxbarashada, sidaana waxaa yiri Wasiir Juxa.
Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan oo wax qabadkeeda ka hadleesay waxay sheegtay in ay 9bil oo ay joogtay Wasaarada Haweenka ay Wax badan u qabsoomeen, oo ay ka mid tahay Ciidseenta Boqolaal Caruur Agoomo ah, Qancinta haween badan oo dhaliilsanaa habka ay u shaqeyso wasaarada,kormeerida inta badan gobolada Puntland iyo Ogaanshaha Baahiyohooda,Qalabeynta in ka badan 10 Xafiis oo ay leeyihiin Degmooyinka Puntland oo ay Haweenka ka shaqeeyaan siiba kuwa fog fog,la kulanka haweenka qaadka gada iyo kala talinta in ay shaqooyinkaa iska joojiyaan oo kuwo kale loogu bedelo iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayeey wasiiradu soo bandhigtay.
Maxamuud Caydiid Dirir Wasiirka Qorshaynta Puntland oo dhawaan laga bedelay Wasaarada Warfaafinta waxaa ugu muhiimsanaa oo uu sheegay waxaa ka mid ahaa in Xeerkii Saxaafada ee ay soo bandhigtay Dowlada feeraalka aan lagala tashan Dowlada Puntland isagoo sheegay xeerkaas in uu muran ka taagan yahay balse kan Puntland ay soo bandhigtay ay dhawaan ansixin doonaan baarlamaanka leyskuna afgartay isagoo sheegay in aysan aqoon saneyn Xeerka Wasaarada Warfaafinta Soomaliya ay soo saartay,wasiirku wuxuu kaloo sheegtay in Wasaarada warfaafinta ay wax badan u qabsoomeen inkaloo intaa ka badanah ay u harsan yihiin sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba Wasaaradaha Caafimaadka Waxbarashada Amniga iyo Haweenka ayaa ahaa kuwo si diiran loogu qancay soo gudbinta Wax qabadkooda sida ay raxan-Reeb la wadaageen qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa Xaflada madashii ay ka socotay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.