Qardho[RBC Radio] Munaasabadani oo si heersare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Maamulka Degmada,kan Gobolka,Dhalinyaro,Haweenka,Aqoonyahano,Qurba joogta ka soo jeeda Magalada Qardho,iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
Xuska Munaasabdda Kowda agoosto oo xalay si weyn ugu dhacday magalada Qardho ayaa waxaa laga soo jeediyey khudbado kaladuwan oo si weyn ay ula dhaceen dhammaan ka soo qeybgalayaasha xuska Munaasabdda kowda Agoosto oo xalay Qardho lagu qabtay.
Hanad Boqor C/llaahi Boqor Muuse oo ka mid ah dhalinyarada Qurbajoogta ka soo jeeda magalada Qardho oo ka hadalay Xuska Munaasabdda Kowda Agoosto ayaa waxa uu sheegay in maanta oo kale ay ku weyntahay dhammaan umadda reer Puntland.
Wuxuuna xusay in Qurba joogta ka soojeeda Puntland ee ku sugan dibadaha ay aad u xusaan Munaasabdda Xuska Kowlada agoosto,waxaana sanad walbo xiligaan oo kale la qabtaa Munaasabado ku aadan Kowda agoosto.
Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise iyo Ku xigeynka Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax ayaa si wadajir ah u sheegay in munaasabdaan ay tahay maalin mudnaan gaar u leh shacabweynaha Puntland.
Waxaana ayna sheegeen in manta oo kale la qabto xuska munaasabadda kowda agoosto oo ku asteesay aasaaskii Puntland.
Munaasabadaan Xuska Kowda agoosto ayaa waxaa soo qabanqaabiyey dhalinyarada Magaalada Qardho iyo dhalinyarada ka timid qurbaha,waxa ayna ku soo dhamaatay jawi farxad ku dheehantahay.
_______________________
RBC Radio
Qardho