Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20472

Gudiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan arimaha Diinta oo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay burnburinta Dugsiyada Qur’aanka

$
0
0

baarlamanka 2Muqdisho(RBC Radio) Gudiga arimaha Garsoorka iyo Diinta u qaabilsan golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday iney ka xun yihiin burburinta lagu hayo Dugsiyada qur’aanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,gudoomiyaha gudiga Garsoorka iyo arimaha Diinta baarlamaanka Soomaaliya Aadan Sadiiq ayaa sheegay iney si weyn uga xun yihiin burburinta lagu hayo dugsiyada Qur’aanka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gudiga Garsoorka iyo arimaha Diinta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney tahay arin aan la aqbali karin burburinta goobaha lagu barto DIinta Islaamka ,wuxuuna hoosta ka xariiqay in lala xisaabtami doono dadka ku hawlan burburinta Dugsiyada Qur’aanka.

Aadan Sadiiq ayaa shaaca ka qaaday in gudigooda oo masuul ka ah arimahas ay wax ka qaban doonaan,wuxuuna xusay iney baarlamaanka horgeyn doonaan arintaas si loola xisaabtamo dadka wada dhibaatadaas sida uu sheegay.

Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in maadaama ay dadka Soomaaliyeed yihiin dad 100% boqolkiiba boqol ay waajib tahay ilaalinta iyo Xurmeynta Diinta Islaamka,wuxuuna xusay inaan la qaadan karin in la burburiyo xarumaha lagu barto Diinta.

Hadalka kasoo baxay gudiga Garsoorka iyo arimaha Diinta baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay dhawaanahan magaalada Muqdisho ka socdeen hawlo lagu burburinayey Dugsiyada Qur’aanka ku yaalla Wadooyinka dhinacyadood.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20472

Latest Images

Trending Articles



Latest Images