Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo ka arinsaday amniga gobolkaas

$
0
0

belBeledweyne(RBC Radio) Maamulka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo maanta kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kulankooda diirada ku saareen sida loo xaqiijin karo amniga gobolka Hiiraan gaar ahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa doo dheer arimaha amniga ka yeeshay odayaashii dhaqanka ee kulanka ka qayb galay iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,odayaasha dhaqanka ayaa maamulka ku dhaliilay inuusan sidii la rabay wax uga qaban nabadgalyada gobolkaas.

Qaar kamid ah odayaasha oo goobta ka hadlay ayaa masuuliyiinta maamulka ku booriyey iney hurdada ka kacaan isla markaane ay u istaagaan sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Beledweyne iyo deegaanada kale ee gobolka Hiiraan.

Masuuliyiinta maamulka gobolka hiiraan ayaa dhankooda ballan qaaday iney wax ka qaban doonaan amni xumada kusii baahaysa magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka gobolka Hiiraan,waxayna tilmaameen iney caddaalada horkeeni doonaan kooxihii ka danbeeyey dilalkii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Beledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa u sheegay odayaasha ay la kulmeen iney hayaan tixraaca kooxihii ka danbeeyey dilkii loo geystay afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan,waxayna sheegeen iney dhawaan soo qaban doonaan sharcigane ay marin doonaan.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka socda hawlgallo ballaaran oo ay samaynayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles